Jowhar(radio isnaay) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan gaar ah shalay ka yeeshay muddo xilheynta Xafiiska Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM oo uu wakhtigiisu ku ekaa sanadkan.
Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa isku raacay in muddo kordhin hal sano ah loo sameeyo xafiiska howlgalka Qaramada Midoobay Soomaaliya ee UNSOM.
Warbixintaan waxaa inoo soo jeedinaya;- Cusmaan Cabdalle Cusmaan