Cayaaryahanka Lagu Magacaabo Hakim Ziyech Oo Dhaawacmay Xilli Blues Ay Barbaro La Gashay Brighton.

0
192

JOWHAR(RADIO ISNAAY) Hakim Ziyech ayaa dhaawac uga baxay kulankii saaxiibtinimo ee ay Chelsea barbaraha la gashay Brighton, kaliya labo isbuuc ka hor inta uusan bilaabanin xilli ciyaareedka Premier League.

Xiddiga reer Morocco ayaa safanayay kulankiisii ugu horeysay ee Chelsea tan iyo markii uu ka soo wareegay kooxda Ajax.

Laakiin kulankiisii ugu horeysay ayaa soo dhamaatay 10 daqiiqo markii ay socotay qeybta labaad iyadoo tababare Frank Lampard lagu qasbay inuu bixiyo 27 jirkaan.

Ka dib markii u muuqday mid dhaawac uu ka soo gaaray canqowga, shaqaalaha caafimaadka Chelsea ayaan wax riski qaadanin iyagoo ka caawiyay in xiddigii hore ee Ajax uu ka baxo garoonka Amex Stadium.

Waxaa bedelay xiddiga akadeemiga Conor Gallagher.

Taageerayaasha Chelsea ayaa ku faraxsanaa in labo ka mid ah saxiixyadooda cusub ay arkaan iyagoo ciyaaraya maanta,.

Laakiin maalin fiican ayay u aheyd weeraryahanka Jarmalka Timo Werner kaasoo furtay akoonkiisa goolasha ee kooxda Blues.

Weeraryahankii hore ee RB Leipzig ayaa hogaanka u dhiibay Chelsea ciyaarta markii ay socotay afar daqiiqo iyadoo Ziyech uu ka qeyb qaatay dhismaha goolka.

Laakiin Brighton ayaa ciyaarat barbareysay waqtigii dhimashada markii uu gool rigoore ah u saxiixay Pascal Gross.

Kulankii maanta waxaa ka qeyb galeen 2500 taageerayaasha Brighton ah waana markii ugu horeysay ee taageerayaal garoonka loo ogolaado tan iyo bishii March.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here