Atoore Caan Ahaa Oo Ugeeriyooday Cudurka Kansarka

0
173

Atooraha oo lagu magacaabo Chadwick Boseman, oo aad loogu xusuusto kaalintiisa filimkii Black Panther ayaa u geeriyooday cudurka kansarka sida uu sheegay qoyskisa.

43 sanno jirkan ayaa ku geeriyooday magaalada Los Angeles, waxa uuna la noolaa xaaskiisa iyo qoyskiisa. Boseman ayaanan si fagaara ah uga hadlin xanuunkiisa kansarka.

“Chadwick waxa uu ahaa Dagaalyahan geesi ah, waxa uuna idin soo jilay filimaan aad wada jeclaateen.” ayay yirahdeen qoyskiisa.

Filimaantii uu jilay waxaa ka mid ahaa Marshall to Da 5 Bloods iyo Black Panthe oo uu aad ugu soo caanbaxay.

Boseman ayaa sannadkii hore sheegay in filimka Black Panthe uu isbadal u horseeday dhalinyada Madowga ah.

Waxa uu ahaa filimkii ugu horreeyay ee uu ku helo magacaabidda biladda Oskarka. Waxa uu sidoo kale door weyn ka cayaaray Marvel films Captain America: Civil War, Avengers: Infinity War and Avengers: Endgame.

Geeridiisa ayaa waxay ka nixisay dad badan, taasi oo uu horseeday xanuun aan la shaacin, balse taageerayaashiisa ayaa sannadkan walaac ka muujinayay caafimaadkiisa kaddib markii uu miisaankiisu aad isu dhimay.

Waxaa durbaba bilowday baroordiiqa iyo tacsiyada xiddigan oo waxaa bartooda Twitter uga tacsiyeeyay atoore Mark Ruffalo iyo agaasime Jordan Peele.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here