Wabiga Shabeelle Oo Fatahaado Hor leh Ka Sameeyay Tuulooyin Hoostaga Degmada Balcad Ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

0
183

Dadka ku Nool Tuulada Maqdis Ee Hoostagta Degmada Balcad Waxa Heysato Xaalad adag Oo Dhanka Nolosha ah Kadib Markii uu Saameyn Xoog Leh uu ku Yeeshay Fatahaada Wabiga Shabeelle  Tuulada .

inta Badan Dadkii Deganaa Ayaa ka Barakaceen Tuulada Taasi Oo Sabab unoqotay Biyaha Wabiga Shabeelle Oo Buux Dhaafiyay Hoygii Ay Deganaayeen Sida uu Sharaxaayo Cabdi Casiis Axmed Cumar Oo ah Gudoomiyaha Tuuladaasi.

Sidoo Kale Gudoomiyaha Waxa uu Xusay in Weli Ay Taagan Tahay Fatahaada Wabiga Shabeelle Maadaama Lagu Jiro Xiligii Deyrta Islamar ahaantaana Looga Bartay in Wabiga uu Biyo keeno .

Ugu Danbeyn Waxa uu Masuuliyiinta Hirshabeelle uu ka Codsaday in Gar gaar Bini,Aadanimo Lagaar siiyo Dadka Degan Tuulada Maqdis kuswaasi Oo La daalaa Dhacayo Xaalado Adag oo Dhanka Nolosha ah .

Wabiga Shabeelle Ayaa Markale Laga baqdin Qabaa in uu Fatahaad Ka Geysto Degaanada Gobolka Shabeellaha Dhexe Maadaama Lagu Jiro Waqtiyada uu Biyaha Keeni Jiray Wabiga.

Warbintaan waxaa inoo soo jeedinaya:-Cabdi Wali Axmed Hilowle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here