29.4 C
Giohar
Monday, September 23, 2024
Home CAYAARAHA Liverpool Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday In Xidigii Yaya Toure La...

Liverpool Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday In Xidigii Yaya Toure La Qaab Ciyaareedka Ahaa Uu Kooxdeeda Si Rasmi Ah Uga Baxay.

0
183

JOWHAR(RADIO ISNAAY)Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in xidiga kooxdeeda ka tirsanaa ee Ovie Ejaria uu heshiis buuxa oo joogto ah ugu wareegay kooxda Reading kadib markii uu horyaalka heerka labaad amaah ku soo qaatay xili ciyaareedkii la soo dhaafay.

Ovie Ejaria oo ka mid ahaa ciyaartoyda waqtiyo loo arkayay mustatqbalka khadka dhexe ee kooxda Liverpool ayaa amaah ugu soo qaatay kooxo badan oo kala duwan laakiin waxa uu ugu danbayn heshiis rasmi ah ugu biiray kooxda heerka labaad ee Reading.Ovie Ejaria ayaa loo arkayay in uu noqon lahaa Yaya Toure-ha cusub ee Liverpool laakiin tartanka xoogan ee ka jira khadka dhexe ee kooxda Jurgen Klopp ayaa sabab u noqday in aanu qayb ka sii ahaan Anfield.

Warka ay Liverpool ugu dhawaaqday heshiiska Ovie Ejaria ayaa lagu yidhi: “Ovie Ejaria waxa uu dhamaystiray u wareegista Reading kadib markii uu amaah kooxda heerka labaad ee Reading ugu soo qaatay xili ciyaareedkii 2019/2020”.

Ovie Ejaria ayaa xili ciyaareedkii la soo dhaafay waxa uu Kooxda Reading u saftay 39 kkulan wuxuuna u soo dhaliyay 3 gool laakiin waxa uu hadda qalinka ku duugay heshiis lix sanadood ah oo uu ugu wareegay kooxda Reading.
Ovie Ejaria waxa uu kulankiisii ugu horeeyay ee Liverpool saftay September 2016 kii markaas oo uu Jurgen Klopp kooxda kowaad ku soo daray laakiin afar sano kadib waxa uu awoodi waayay in uu boos ka heli karo tartanka ciyaartoyda khadka dhexe ee Reds.
Ovie Ejaria waxa uu Liverpool kaga soo biiray kooxda Arsenal sanadkii 2014 kii laakiin 7 kulan oo kaliya oo kooxda kowaad ah oo uu saftay xili ciyaareedkii 2016/17 kii kadib waxa uu dibad meer ku ahaa heshiisyo amaah ah oo uu ku maray kooxo ay ka mid yihiin Sunderland, Rangers iyo kooxda uu hadda sida rasmiga ah ugu biiray ee Reading.

Liverpool ayaa wanaaga ugu fiican u rajaysay xidiga kooxdeeda fursada ka waayay ee Ovie Ejaria kaas oo la filayo in uu mustaqbalka Reds ku qasbi doono in ay ka fikiraan sidii ay u soo celin lahaayeen maadaama oo uu ka mid ahaa ciyaartoyda tayada leh ee Anfield waqtiga ku soo qaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here