Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya oo Qalabka ka digista Halis wadareedka ku wareejisay Hirshabeelle.

0
160

Kadib socdaal uu ku yimid Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle Sii haayaha Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya Xamze Saciid Xamze ayaa waxaa uu agabka ka Digista Halis Wadareedka ku Wareejiyay Maamulka Hirshabeelle.

Wasiirka ayaa markii uu soo gaaray Garoonka Diyaaradaha Magaalada jowhar waxaa soo dhaweyn u muujiyay dhigiisa Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle Cabdi Mahad Cabdulle Qoor gab.

Wasiir Xamze Saciid ayaa Sheegay in ujeedka socdaalkiisa yahay sidii Qalabka ka Digista Halis wadareedka loo soo gaarsiin lahaa Magaalada Jowhar si looga gaashaanto dhibaatada Fatahaadaha Wabiga Shabeelle.

Warbixintaan waxaa inoo soo jeedinaya:- Cusmaan Cabdalle Cusmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here