Qaar Kamida Xiddigaha Blues oo Laga Helay Caabuqa Korona & Diyaar Garawgii Xooganaa Ee Chelsea uu Wer-Wer Soo Wajahay.

0
159

JOWHAR – ( Radio – Isnaay ) – Kooxda Chelsea ayaa lagu soo warramayaa inuu saamayn xoogan ku yeeshay isku diyaarinteedii xilli ciyaareedka cusub xanuunka Korona kaddib markii qayb kamida xiddigaha kooxdaas laga helay.

Xiddigaha laga helay xanuunka ayaa haatanba ku jira karantiin iyagoo ka gaar noqday ciyaaryahanada kale ee kooxda si looga hortago inuu safka oo dhan ku faafo xanuunku.

Wargeyska Sportsmail ayaa xusay inuu ogsoon yahay shaqsiyada afar ciyaaryahan oo ka tirsan Chelsea kuwaas oo hadda karantiin ku jira.

Ciyaaryahanada Chelsea ayaa baadhitaan xanuunka Korona ah galay dhammaadka toddobaadkii hore kahor inta aan lagu soo laaban tababarada la iskugu diyaarinayo xilli ciyaareedka cusub ee la qorsheeyay.

Kahor inta aan xiddigaha ka tirsan Chelsea laga helin xanuunkan saf-marka ah, waxa jirtay warbixin hore loogu sheegay inay si xawli ah u kordhayaan ciyaaryahanada Premier League ka ciyaara ee laga helay xanuunka kaddib markii ay fasaxyadooda kasoo laabteen.

14 kiis oo caabuqa ah oo kala duwan ayaa laga helay 12 kamida kooxaha Premier League ee kusoo laabtay tababarka waxaana kooxahaas laga xusay Brighton, West Ham United iyo Sheffield United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here