Paris Saint-Germain Oo Xaqiijisay Inuu Ka Tagay Xiddiga Ku Biiraya Chelsea Todobaadkan

0
138

JOWHAR(RADIO ISNAAY)Thiago Silva ayaa ku dhow inuu ku biiro Chelsea ka dib markii ay Paris Saint-Germain xaqiijisay in daafaca uu ka tagay kooxda.

35 jirkaan ayaa dhameystay qandaraaskiisa garoonka Parc des Princes ka dib sideed sannadood uu kooxda joogay, iyadoo kulankiisii ugu danbeysay ay aheyd finalkii Champions League ee ay guuldarada ka soo gaartay Bayern Munich.

Paris Saint-Germain ayaa dooneysay inay heshiis cusub ka saxiixdo daafaca reer Brazil laakiin Silva ayaa doortay inuu baxo si uu uga ciyaaro horyaalka Premier League.

PSG ayaa muuqaal macsalaameyn ah soo dhigtay bogeeda Twitter iyagoo ku amaanay daafacoodii hore.

Muuqaalka ay soo dhigeen, waxay soo raaciyeen qoraal ah: “Waxaad calaamadeysay taariikhda kooxda. Casaan iyo buluug ayaad tahay inta noloshaada ka dhiman. Mar walba qalbigeena ayaad ku jiri doontaa.

Warbixin uu soo saaray madaxweynaha PSG Nasser Al-Khelaifi ayaa iyadana lagu yiri:

“Thiago, waad ku mahadsan tahay sideedii sannadood ee xusuusta laheyd, xusuus aan inaga go’i doonin, sida aad kooxda uga qeyb qaatay, jaceylkaaga iyo hogaamintaada.

“Waxaad abid noqon doontaa mid ka mid ah xiddigaha ugu waa weyn taariikhda, halyeeynimadaada PSG iyadana waligeed waa ay taagnaan doontaa.

“Waxaan idiin rajeynayaa adiga iyo qoyskaagaba mustaqbal fiican, waxaan mar walba qeyb ka noqon doontaa qoyska iyo taariikhda kooxda, mahadnaq weyn kabtan!”

Thiago Silva oo 35 sanno jir ah ayaa la filayaa inuu heshiis labo sannadood ah u saxiixo kooxda Chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here