Midkee Guuleysan Doona Lionel Messi & Barcelona Haddii Kiiskood uu  Maxkamad Gaadho?

0
158

JOWHAR – ( Radio – Isnaay ) – Gar-yaqaan Santiago Nebot oo ka shaqeeya arrimaha ciyaaraha iyo ganacsiga ayaa ka hadlay midka guuleysan kara haddiiba ay kooxda Barcelona iyo kabtankeeda Lionel Messi wada galaan maxkamad iyagoo qaabka xiddiga lagu fasaxayo isku khilaafsan.

Lionel Messi ayaa dhawaan si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu doonayo inuu iskaga tago Barcelona taas oo ka dhigaysa mid doonaya inuu ka xaajoodo qoddobka heshiiskiisa ku jira ee ah inuu qaab bilaash ah ku baxo.

Qoddobka ah in Messi qaab xor ah kooxda kaga tago dhammaadka xilli ciyaareed kasta haddiiba uu doonayo ayaa ahaa mid lagu daray qandaraaskiisii 2017.

Qoddobaka ayaa ah in Messi Barcelona u sheego kahor 10-ka bisha lixaad ee June haddii uu doonayo inuu baxo, iyadoo wakhtigaas la dhaafay ayuu 33 sano jirkaasi ku doodi doonaa in xilli ciyaareedka la dheereeyay oo August la gaadhsiiyay sidaas darteedna uu isagu dhammaadka xilli ciyaareedka ku xisaabtami doono.

Dhinaca kale Barcelona ayaa ku doodi doonta in heshiiska wakhtigiisa iyo dib u dhaca xilli ciyaareedka aysan waxba iskaga xidhnayn oo ay iibkiisa ku doonayaan lacagta 700 Milyan ee euro ah ee ku xidhan.

Haddaba, gar-yaqaan Santiago Nebot oo arrimahaas ka hadlaya ayaa hadda sheegay in Barcelona ay tahay mida ugu cad cad ee sharciga kaga guuleysan karta Messi.

Santiago Nebot ayaa yidhi “Waxaan filayaa inay Barcelona boos ka xoogan joogto balse Messi waxa uu hubaal muujiyay liidashada ay Barcelona leedahay”

“Haddii uu Barcelona ku idhaahdo waxaan doonayaa inaan tago ee isiiya heshiiska bilaashka ah oo ay Barcelona tidhaahdo maya, gabi ahaanba ma jirto wax uu samayn karaa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here