Muxuu Arturo Vidal Ka Yidhi Go’aanka Uu Lionel Messi Ku Gaadhay Inuu Ka Tago Barcelona?

0
171

JOWHAR- (Radio – Isnaay ) – Halgamaaga reer Chile ee Arturo Vidal ayaa ka mid noqday ciyaartoyda Barcelona ee ka adkaysan waayey hadalkii dhul-gariirka ku noqday Barcelona ee xalay gilgilay Barcelona ee kasoo yeedhay Lionel Messi, kaas oo si lama filaan ah u shaaciyey inuu go’aan ku gaadhay inuu iskaga tago kooxda uu kabtanka u yahay.

Lionel Messi ayaa warqad uu FAX ku daray waxa uu gaadhsiiyey Madaxweyne Bartomeu, waxaanu ka codsaday in dib loogu ogolaado inuu ka shaqaysiiyo qodobkii heshiiskiisa ku jiray ee u ogolaanayay inuu si bilaash ah uga tegi karayo kooxda inta aanu bilaabmin xili ciyaareedkiisa ugu dambeeya, laakiin qodobkan ayaa dhacay June 1.

Go’aanka Messi oo maalmihii ugu dambeeyba la sugayay, taageereyaasha iyo maamulka midna ma filaynin inuu noqon doono mid noocan ah, waxaanay sugayeen in ugu yaraan uu sannadka ka hadhsan qandaraaskiisa uu dhamaysan doono.

Xiddiga reer Argentine ayaa la rumaysan yahay in tabashooyin isbiirsaday uu haysto, isla markaana garawshihii uu mudnaa aanu helin, taas oo ay usii raacday hadallo aan munaasib ahayn oo uu tababare Ronald Koeman ku yidhi intii uu socday kulan ay Jimcihii yeesheen.

Tababare Koeman ayaa la sheegay inuu Messi u hanjabay, isla markaana uu u sheegay inay dhamaatay waqtigii uu mudnaanta gaarka ah heli jiray, haddana la gaadhay xilligii uu si dhab ah kooxda ugu shaqayn lahaa, dhinaciisana aanu wax naxariis ah ka sugin.

Luis Suarez iyo Carles Puyol ayaa xalay markii uu Messi ku dhawaaqay go’aankiisa waxay taageero weyn u muujiyeen xiddigan iyagoo dalbaday in tixgelin iyo qaddarin la siiyo.

Xiddiga reer Chile ee Arturo Vidal oo isagana uu tababare Koeman u sheegay inuu raadsado koox kale oo aanu qorshihiisa ku jirin, ayaa isaguna ka hadlay go’aanka bixitaanka, waxaanu adeegsaday kalmado layaab leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here