Xiddigii Chelsea Ka Tagay Pedro Oo Si Rasmi Ah Koox Weyn Oo Cusub Ugu Biiray

0
200

JOWHAR(RADIO isnaay)Xiddiga garabka ka ciyaara ee reer Spain Pedro ayaa si rasmi ah u dhameystiray maanta ku biiritaankiisa kooxda weyn ee ka dhisan horyaalka Serie A ee AS Roma.

Pedro ayaa ka tagay Chelsea xagaagan ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisa kooxda Ingariiska isagoo si xor ah ugu wareegay kooxda ka dhisan caasimada Talyaaniga.

Pedro waxa uu u saxiixay kooxda Talyaaniga heshiis seddex sannadood ah isagoo garoonka Stadio Olimpico ka ciyaari doona ilaa iyo xagaaga 2023.

Pedor Rodriguez oo ay da’diisu tahay 33 jir ah ayaa Chelsea u saftay 206 ciyaarood, waxaanu kula guuleystay saddex koob oo waaweyn, laakiin heshiiskii uu kula jiray naadiga oo dhamaaday darteed, waxa soo dhamaaday waayihiisii Stamford Bridge isagoo ay u bilaabaneyso waayo cusub.

Pedro oo dhaawac kaga maqnaa Chelsea kulankii xalay ceebtu kasoo gaadhay ee ay Bayern Munich kusoo karbaashtay ayaa waxa uu kusii jeedaa waddanka Talyaaniga oo uu heshiis xor ah ugu biirayo Roma.

Sannadkii 2015 ayay Chelsea kasoo iibsatay Pedro kooxda reer Spain ee Barcelona £21.25 milyan oo Gini, waxaanu la qaaday horyaalka Premier League sannadkii 2017 markii uu joogay Antonio Conte, FA Cup oo uu la qaaday isla xili ciyaareedkaas iyo Europa League oo sannadkii hore uu la qaaday Maruizio Sarri.

Muddadii uu xidhnaa garanka Chelsea waxa uu Pedro dhaliyey 43 gool oo uu ku jiro goolkii uu finalkii Euorpa League u saxeexay kooxdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here