Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka oo booqasho ku tegay Dalka Suudaan.

0
138

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa maanta oo talaado ah ka degay magaalada Khartoum ee Caasimadda dalka Suudaan isaga oo toos uga soo duulay Magaalada Talaabiib ee Caasimadda Yahuudda.

Safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee rasmi ah oo Israaiil ka soo duula toosna uga daga magaalada Khartuum.

Wasiirka Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa dowladda Suudaan cadaadis ku saaraya in la caadiyeey lana xoojiyo xiriirka ay Suudaan la leedahay Israa’iil.

Booqashadan uu wasiirka arrimaha dibadda ku tegayo wadamo badan oo gobolka ah ayaa ku soo aadeysa kadib heshiiskii ay wada saxiixdeen Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta, kaas oo lagu yagleelay xiriir dhammeystiran oo ay yeeshaan labada dhinac ah.

Dowladda Mareykanka ayaa dowlado badan oo Carbeed ku riixeysa in ay raacaan tallaabadii ay qaaday dowladda Imaaraadka Carabta.

“Wax aan saarannahay duullimaadkii ugu horreeyay oo rasmi ah oo toos isugu xiraya Israa’iil iyo Suudaan” ayuu Pompeo ku soo qoray Bartiisa Twitterka.

Booqashada Wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka ayaa noqoneysa middii ugu horreysay oo nooceeda ah taas oo uu masuul Mareykan ah oo heerkan ah uu Suudaan ku tago muddo 15 sano.

Mar sii horreysay oo saakay ah na waxaa magaalada Khartuum ka dagay ra’iisul wasaaraha dowladda Itoobiya waxaana halkaas ku soo dhoweeyay raiisul wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamdook oo sheegay in uu ku faraxsan yahay soo dhoweynta Abiy ayna ka wada hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal ee deriska ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here