UEFA Oo Ku Dhawaaqday Shaxda Kooxdii Xili Ciyaareedkan Ugu Fiicnayd Tartanka Champions league.

0
150

JOWHAR – (Radio-Isnaay) – Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah u shaaciyay shaxda kooxdii ugu fiicnayd tartanka Champions League oo 24 saacadood ka hor ay kooxda Bayern Munich ku guulaysatay kadib markii ay garaacday kooxda PSG.

UEFA ayaa soo saartay shaxda 11 kii xidig ee ugu fiicnaa xili ciyaareedkan Champions League ee dhibcaha ugu badan looga helay Fantasy Football.

Dhibcihii ciyaartoydii ugu shaqada fiicnaa xili ciyaareedkan looga soo helay Fantasy Football ayay UEFA u aqoonsatay kuwii ugu fiicnaa tartankan.

Saddex ciyaartoy oo kaliya oo aan ka tirsanayn Bayern Munich iyo PSG ayaa shaxdan ka soo muuqday waxayna kala yihiin Raheem Sterling oo Man City ka tirsan, xidiga kooxda RB Leipzig ee Marcel Sabitzer iyo Erling Braut Haaland oo Borussia Dortmund u ciyaara.

Bayern Munich oo koobka Champions League ku guulaysatay ayaa shaxda kooxda ugu fiicnayd Champions League waxaa ugu jira afar ciyaartoy laakiin kooxda koobkan laga qaaday ee PSG ayaa sidoo kale afar ciyaartoy shaxdan ku yeelatay.

Goolhayaha kooxda Bayern Munich ee Manuel Neuer oo shaqo layaableh soo qabtay ayaa goolka ugu jira shaxda kooxdii xili ciyaareedkan ugu fiicnayd Champions League.

Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo xili ciyaareedkan si murugo leh kaga hadhay Champions League ayaan shaxda UEFA ee tartankan ka soo muuqan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here