Covid-19 wuxuu gaadhay dunida oo dhan – marka laga reebo 10 dal

0
137

Waxaan qormadaan idinkugu soo gudbineeynaa tobanka dal ee iska ilaaliyay saameynta virus-ka Corona

Hoteelka Palau, oo loogu magac daray isla waddanka uu ku yaallo ee Palau, waxaa magacaas loogu bixiyay maadaama markii la furayay sanadkii 1983-kii uusan jirin hoteel kale oo la yidhaahdo Palau.

Tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyay, waddankan yar ee ay ku hareereysan yihiin biyaha badweynta Pacific, wuxuu ku raaxeysanayay dalxiiska looga soo doonto caalamka intiisa kale.

Sanadkii 2019-kii, dadka dalxiiseyaasha ah ee tagay Palau waxay shan jeer ka badnaayeen guud ahaan shacabka waddankaas.

Sanadkii 2017-kiina, warbixin ay soo saartay Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa lagu muujiyay in dalxiiska waddankaas uu kasoo xaroodo 40% ka mid ah dhaqaalihiisa guud.

Laakiin taasi waxay ahayd inta uusan dillaacin Covid-19.

Xuduudaha waddanka Palau way xirnaayeen tan iyo bishii March ee sannadkan. Wuxuu ka mid yahay tobanka dal ee iska ilaaliyay inuu gaadho fayraska, wax kiis ahna wali aan laga heli (marka laga reebo Kuuriyada Waqooyi iyo Turkmenistan).

Haddana sidaasoo ay tahay, fayrasku isagoo aan qof u dhashay waddankaas ama ku sugan ku dhicin ayuu burbur aad u baaxad weyn gaadhsiiyay.

Hoteelka Palau wuu xirnaa ilaa bishii March, kaligiisna ma aha hoteellada albaabbada la isugu dhuftay. Makhaayaduhu way haawanayaan, dhammaan dukaamadiina way wada xidhan yihiin.

Hoteelladu waxay u shaqeynayaan oo kaliya in lagu karantiilo muwaadiniinta dibadda kasoo laabta.

“Badweynta ayaa halkan ka dhigeysa meel ka qurux badan dhammaan meelaha kale ee dunida.” ayuu yidhi Brian Lee, oo ah maamulaha Hoteelka Palau.

Ka hor inta uusan cudurka dillaacin, Brian wuxuu aad ugu mashquulsanaa qaabilista dadka hoteelkiisa soo dagaya. Waxaa u shaqeeya ilaa 20 qof oo howsha hoteelka la fulin jiray. Laakiin sidii uu cudurka u yimid adduunka, ma jiraan dalxiiseyaal taga hoteelkiisa.

“Waxaan isku dayaa inaan shaqo u helo dadkii hoteelka ka howlgalayay,” ayuu yidhi.

Dhammaan waddamadan waa jasiiradaha ku dhex yaalla badweynta Pacific.

Brian ma sui karo in mar kale dunida la isku furo.

“Waxay ila tahay in la joogo waqtigii dib loo furi lahaa dalka – tusaale ahaan in la oggolaado dadka kasoo safraya New Zealand iyo waddamada lamidka ah,” ayuu yidhi. “Haddii kale, ma jiro qof noolaan kara.”

Meel badweynta Pacific gudaha usii ah ilaa 2,500 oo meyl ama 4,000 km waxaa ku yaalla jasiiradaha Marshall, kuwaasoo sidoo kale uusan cudurka gaadhin.

Laakiin sida Palau oo kale, in cudurku uusan gaadhin kama dhigna in aysan saameynta gaadhin. Inkastoo kiisaska aan laga heli dalalkaas, haddana waxay la mid yihiin sida dalalka kaleba uu cudurka u waxyeelleeyay dhaqaalahooda.

AGES

Taasi micnaheeda waa in uusan jirin waddan ku guuleystay inuu ka badbaado dhibaatada fayraska.

Dhammaan hoteelladii dalxiiseyaasha loogu talagalay ee jasiiraddaas ayaa iska madhan. Tusaale ahaan, hoteelka Robert Reimers, oo ku yaalla badhtamaha barriga ayaa wali xidhan.

Ka hor Covid-19, 37 qol oo ku yaalla hoteelkan way buuxi jireen mar walba. Hoteelka waxaa la buux dhaafin jiray 7%5-88%. Laakiin hadda qiyaastaas waxay hoos ugu dhacday 3% ilaa 5% oo kaliya.

“Waxaa nasoo gaadhayay dad aad u tiro yar oo nooga imaanayay jasiiradaha kale,” ayey tidhi Sophia Fowler, oo ka tirsan maamulka hoteelkaas. “Laakiin ma aha dad sidaas u badan.” ayey sii raacisay hadalkeeda.

Haddii si kooban warka loo dhigo, waad iska ilaalin kartaa fayraska, dalkaagana waad ka celi kartaa inuu gudaha usoo galo, laakiin kama guuleysan kartid gabi ahaanba.

Covid-19 haddii uu si kuu saameyn waayo wuxuu kuu saameyn karaa si kale.

Waxaa intaas sii dheer in wali ay muddo kale sii taagnaan doonto saameynta cudurkan faraha ba’an ku haya caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here