PSG Oo Qaadeysa Talaabadii ugu Horeysay ee ay Kaga Jawaabeyso Guul-darradii Champions League & Tababare Tuchel oo Albaabka Ka Baxaya.

0
162

JOWHAR – ( Radio – Isnaay )- Kooxda kubadda cagta PSG ayaa gaadhi weyday hankeedii xili ciyaareedka, waxaana finalka Champions League ku garaacday PSG oo 1-0 kaga badisay.

Kooxda reer France oo lagu maalgeliyey lacag ka badan 1 bilyan oo Gini tan iyo sannadkii 2011 oo ay maalqabeennada reer Qatar la dul-taagnaayeen kiish lacag ah, waxa mashruucani ku dhamaystirmayay in ay ku guuleystaan Champions League sagaal sannadood kaddib markii mulkiyadda kooxdu gacanta u gashay Shirkadda maalgelinta dibedda u qaabilsan Qatar ee Qatar Sports Investments, taas oo uu maamulo Nasser Al-Khelaifi.

Xiddigo waaweyn oo lacago badan laga soo bixiyey kaddib, waxa PSG muuqata in aanay wali gaadhin halkii ay hiigsanaysay, waxaana mar kale lagu noqonaysaa qorshaha dibu-hagaajinta kooxda iyadoo lasii wadayo in lagu soo kordhiyo wajiyo cusub oo farsamo iyo khibrad kusoo kordhin doona ka hor inta aanu bilaabmin xili ciyaareedka dambe ee 2020/21.

Kaddib guul-darrada finalka Champions League kasoo gaadhay, PSG waxay shaqada ka caydhinaysaa tababare Thomas Tuchel oo ay isla markiiba la bilaabeen wada-hadallo uu ku tirinayo xilka, isla markaana lagu wargelinayay inay uga dhamaatay kooxda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here