Mid kamid ah Muraayadahii indhaha Ee Mahatma Gaandi Oo Lagu Xaraashay Lacag Dhan 340 kun Oo Doollar.

0
215

Muraayadaha ayaa lagu xaraashay muddo lix daqiiqo ah, waxaana la filayay in lagu xaraashi doona 20 kun oo doollar, balse qiimaha waa uu ka batay intaas.

Mid ka mid ah shaqaalaha East Bristol Auctions oo ah xarun agabka qadiimka ah lagu xaraasho ayaa muraayaddaa bil kahor ka helay baqshad ay ku jirtay.

Adrew Stowe oo ka tirsan shirkaddaa xaraashka agabka qadiimka ah ayaa sheegay in ay tahay wixii ugu muhiimsanaa ee soo mara taariikhd shirkaddaas.

Wuxuu sheegay in qofkii lahaa muraayaddaa ” wadnuhu is taagi gaadhay” markii loo sheegay qiimaha muraayadda. Wuxuu qofkani sheegay in lacagta uu ka helo xaraashka okiyaalah uu u kala qeybin doona gabdhihiisa.

Qof ayaa noogu soo diray boosta Jimcihii, oo waxay iskaga jirtay ilaa Isniintii. Mid ka mid ah shaqaalahayaga ayaa bashqadda ii dhiibay oo igu yidhi waxa laa socda qoraal sheegaya in ay tahay muraayaddii Gandhi”, ayuu yidhi Stowe.

‘ Dabeedna hawl maalmeedkaygii baan iska sii watay, intaan idhi waaba arin xiiso leh waxani”.

Hase yeeshee markii uu baadhay, ayaa Stowe waxa uu sheegay inuu ”kursiga ka dhici gaadhay” markuu arkay muraayaddan goobaabada ahi in ay tahay tii uu xidhan jiray halgamaagii xuquuqda dadka reer India.

”Waxaan telefoon u diray qofkii noo soo diray, waxaanan u malaynayaa markaan u sheegay in isagana wadnuhu istaagi gaadhay”, ayuu yidhi.

Stowe wuxu sheegay in qofkii muraayaddan lahaa uu u sheegay inuu qoyskiisu muddo dheer jiil ba jiil u soo gudbinayey oo qof ka mid ah awowyaashii kula kulmay Gandhi qudhiisa dalka Koonfur Afrika sanadihii 1920.

‘Waxaanu dib u hubinay taariikhda la sheegay, wixii la noo sheegay oo dhamina sax ayay noqdeen ilaa xataa taariikhda markii ugu horraysay ee Gandhi bilaabay inuu xidho ookiyaaleyaasha noocan ah”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here