Bayern Munich Oo Markii Lixaad Ku Guulaystay Koobka Champions League iyo Lacagtii PSG Oo Khasaartay.

0
163

JOWHAR – ( Radio – Isnaay)- Bayern Munich ayaa ku guuleysatay koobkeedii lixaad ee Champions League ka dib markii ay 1-0 ku garaaceen Paris Saint-Germain kulankii finalka ee xiisaha badnaa ee ka dhacay magaalada Lisbon ee dalka Portugal.

Ciyaar la isku rafaaday ayaa waxaa go’aamiyay gool uu qeybtii labaad Bayern Munich u saxiixay Coman iyadoo Bayern Munich ay barbareysay rikoodha koobabka Champions League ee Liverpool oo ay min lix jeer wada qaadeen, halka AC Milan ay 7 jeer ku guuleysatay halka Real Madrid ay rikoodhka ku heyso 13 koob.

Bayern Munich ayaa qaaday koobka Champions League markii ugu horeysay tan iyo sannadkii 2013 oo ay ka qaadeen kooxda ay Bundesliga ka wada ciyaaraan ee Borussia Dortmund.

Natiijada ciyaartan ayaa loo micnaystay in kubbada cagtu guulaysatay isla markaana ay lacagtii khasaartay iyada oo PSG ku fashilantay in ay finalkeedii ugu horeeyay ee Champions league ku guulaysato koobka ay lacagta badan soo kharash gareeyeen.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-0 ay Bayern Munich ugu garaacday PSG isla markaana ay markii lixaad ugu guulaysatay koobka Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here