Kylian Mbape oo Bixiyey Waraysi Saacado Kahor Finalka Champions League ee Kulanka Bayern Munich Iyo PSG

0
127

JOWHAR-(Radio-Isnaay)-  Weeraryahanka reer France ee Kylian Mbape ayaa sheegay in uu ku guuleysiga tartanka Champions League ay ahayd sababtii uu ugu biiray kooxda uu hadda u ciyaaro ee Paris Saint-Germain.

Mbape ayaa PSG ku biiray sannadkii 2017kii kaddib markii uu ka caawiyey Monaco  inay ku guuleysto horyaalka Faransiiska ee Ligue 1, sidoo kalena ay gaadhay semi-finalka Champions League.

Saddex sannadood kaddib, waxa uu Mbappe fursad u haystaa inuu ku guuleysto Champions League oo uu finalkii ugu horreeyey taariikhdiisa gaadhay, sidoo kalena ah finalkii ugu horreeyey ee PSG ay tagtay, waxaanay ku waajahayaan Bayern Munich oo shan jeer oo hore soo qaadatay koobka.

Kylian Mbappe oo hore ugu soo guuleystay Koobka Adduunka iyo koob kasta oo laga ciyaaro gudaha Faransiiska, ayaa waxa uu isku qorayaa taariikhda haddii ay koobka Champions League oo ah midka kaliya ee ka dhiman ku guuleystaan.

Warbaahinta oo uu la hadlay ka hor finalka Champions League ayaa waxa uu Mbappe yidhi: “Ku guuleysiga Champions League, waa sababtii dhabta ahayd ee aan kooxdan ugu biiray. Mar walba waxaan sheegaa inaan doonayo inaan isku qoro taariikhda kubadda cagta Faransiiska. Fursad kale ayaan haystaa berri.”

Mbappe waxa uu tilmaamay in khibraddii niyad-jabka ahayd ee uu garoomada kasoo helay kaddib, uu hadda taagan yahay xilligii uu farxi lahaa, waxaanu yidhi: “Tan iyo intii aan kusoo biiray PSG sannadkii 2017kii, waxa aanu lasoo kulanay niyad-jabyo, haddana waxa aanu joognaa final, waxaanay taasi muujinaysaa in aanan is dhiibin ama koox ahaan aanaan isku dhiibin.

“Waxay noqon doontaa abaalmarin dhab ah haddii aan tartanka kula guuleysto koox Faransiis ah. Taas ayaa ahayd hadafkayga markii aan kusoo biiray.”

Weeraryahankan da’ yaraanta guulaha badan ku gaadhay, waxa uu sheegay in Champions League uu yahay koob taariikhi ah oo ay koox walba doonayso inay ku guuleysato, waxaanu yidhi: “Waad dareemi karaysaa; qof walba wuxuu doonayaa inuu ku guuleysto tartanka. Waa qaab gaar ah oo la xasuusan doono. lasoo kulanay musiibooyin (Fayraska Korona), tartankanina wuxuu geli doonaa taariikhda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here