Maamulka Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo Sheegay in Xaalado Caafimaad Daro ay ka Jirto Degmadaasi.

0
152

 Degmada Mahadaay waxaa ka jira  xaalado Caafimaad daro kadib Markii biyaha wabiga Shabeelle ay ku fataheen Degmada iyo Tuulooyinka Hoostaga waxa ayna sababeen in halkaasi ay ka dhashaan Cuduro.

Gudoomiyaha degmada mahadaay Axmed Xuseen oo ka hadlay xaalada caafimaad daro ee jirta ayaa sheegay in lix bilood ay biyo ku socotay degmada waxa uuna tilmaamay in xaafada kacaanka ay ka dilaacday xanuunka duumada dadka ku nool degmadaasina ay heysto macluul sida uu sheegay gudomiyaha.

Warbixintaan waxaa inoo soo jeedinaya :- Cabdiwali Axmed Hilowle. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here