Kooxda Sevilla Oo Si cajiib leh Ugu Guulaystay Koobka Europa League.

0
131

Jowhar(radio Isnaay) Kooxda Sevilla ayaa si layaableh ugu guulaystay koobka ay taariikhda khaaska ah ku leeyihiin ee Europa League kadib markii ay guul soo laabasho cajiib ah ka gaadhay Inter Milan oo gool ku hor martay.

Sevilla oo hore taariikh cusub ugu haysatay kooxdii ugu horaysay ee saddex xili ciyaareed oo xidhiidh ah koobka Europa League ku guulaysatay ayaa markale sii dheeraysatay rekoodhka koobkan ee ay haysato.

Sevilla ayaa markii lixaad ku guulaysatay koobka Europa League waana kooxda kaliya ee tiro sidan u badan koobkan ku soo guulaysatay waxayna murugo baday kooxda Antonio Conte ee Inter Milan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here