Dowlada Senegal oo Sheegtay Inay ka Hortageyso Kiimiko ku keydsan Dekada Dalkaasi.

0
144

Saraakiisha dalka Senegal ayaa sheegay inay dalbadeen in 2,700 oo tan oo ah maadada ammonium nitrate oo ku keydsan dekedda dalkaas laga daabulo magaalada caasimadda ee Dakar.

Kiimikadan taalo dekedda magaalada Dakar oo aan ka fogeyn goobaha la degan yahay ayaa la sheegay inay lamid tahay tii ku qaraxday casimadda Lubnaan ee Beirut.

Dowladda dalkaas waxaa ay sheegtay in kiimikadan ay qeyb ka tahay 3,050 oo tan oo ammonium nitrate, taas oo kusii jeeda dalka ay deriska yihiin ee Mali

.Mas’uuliyiinta dekedda ayaa sheegay in durbaba la bilaabay in 350 tan oo kiimikadaas loo raro dalka Mali.

Shakhsiga iskaleh kiimikadan ayay dowladda dalkaas sheegtay in uu dalbaday in lagu keydiyo bakhaar ku yaala meel 30km u jirta caasimadda Dakar.

Wasaaradda deegaanka ilaa iyo hadda se ma aanay meel marinin codisga ka yimid milkiilaha shixnaddan iyadoona sheegtay in goobta la doonayo in la dhigo kiimikadan aanay kasoo bixin shuruudihii loo baahnaa oo ay kamid tahay qiimeyn lagu sameeyo dhibaatada ka dhalan karta.

“Waxaanu milkiilaha kiimikadan weydiinay in uu usoo tabaabusheysto sidii badeecadiisa looga daabuli lahaa dalka Senegal,” ayuu yiri sarkaal katirsan wasaaradaas oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

Ilaa iyo hadda ma cadda shakhsiga iskaleh badeecadan iyo ujeedad laga leeyahay isticmaalka kiimikada. Saraakiisha dekedda shaaca kama aanay qaadin xilliga maadadan la geeyay dekedda dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here