Ciyaaryahanka Kooxda Arsenal ee Lagu Magaacbo Aubameyang oo Shaaciyay Heshiis Cusub.

0
150

Jowhar(radio Isnaay) Weeraryahanka kooxda Arsenal ee Aubameyang ayaa u gacan haatiyay in aan loo soo bandhigin hishiis cusub oo uu u saxiixo kooxda

Hishiiska wiilka reer Gabon ee qalcadda Emarates ayaa dhaamanaya xagaaga 2021-ka , waxaana lala xariirinayaa dhowr koox .

Arintaan ayaa imaaneysa xilli warar dhawaan soo baxay ay tilmaameen in Arsenal ay laacibka la fureen wada xaajood hishiis kordhin ah

Waliba waxa uu warka intaas ku daray in laacibkaas hore Dortmund loo bandhigay hishiis sedex sano ah todobaadkiina uu ku qaadanayo mushaar dhan 250 kun gini

Balse sida muuqtaa xaaladda sidaas waa ay ka duwan tahay waxa uuna laacibka toosh ku sii shiday mustaqbalkiisa Arsenal .

Aubameyang ayaa bartiisa Instgramka soo dhigay qoraal ah” dhamaan waxaa loo bandhigay qallin iyo warqad balse aniga weli ma haysto warqadda”.

Arintaas ayaa loo micneeyay in laacibka uu ula jeedo in Arsenal aysan weli si dhab ah u soo hordhigin hishiis kordhin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here