Magaalada Dhuusamareeb Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa xalay xili dambe lagu soo gaba-gabeeyay wareegii saddexaad ee wadatashiga Madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyada.
Shirkaan ayaa ka dhashay kulankii Dhuusamareeb (2) oo ay u dhammaayeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, qodobadii kasoo baxay waxaa lagu ballamay 15-kii bishaan in dhuusamareeb la isugu tago, balse waxaa ka baaqday Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo shuruudo ku xiray ka qaybgalka kulankaas.
Waxaa Warbixintaan Inoo Soo Jeedinaya :- Cabdi Wali Axmed Hilowle.