Racep Tayib Oo Shaaciyay In Dowladdiisu Ay Shidaal Badan Ka Heshay Badda Madow

0
163

Madaxweynaha Dalka Turkiga Racep Tayyip Eedogan ayaa maanta oo Jumco ah la wadaagay shacabka daklkiisa arrin ay si weyn ugu farxeen bulshada uu madaxweynaha u yahay.

Erdogan ayaa sheegay in ay helen gaas farabadan  “Badda madow waxaan ka helnay gaas qiyaas ahaan dhan 320 bilyan mitir cubic” ayuu yiri Madaxaweynaha Dalka Turikga Racep Tayyip Erdogan, waxaana arintaas si weyn usoo dhaweeyay shacabka dalka

Waxaa uu sheegay in marka la gaaro 2023 Turkigu uu billaabi doono istimcaalka kheyraadkiisa dabiiciga ah sida gaas-ka.

Dalka Turkiga ayaa ka mid ah waddamada dhaqaalahodu uu kobaca ku jiro, waxaana haddii uu billaabo qodista gaaska la helay ay ka dhigan tahay in Turkiga dhaqaalahiis uu sii kordhayo, maaddaama dhawaan la billaabi doono iib gayta gaaska sida madaxweyne Erdogan uu sheegay Maanta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here