Qaabka Uu Isku Aadka Champions League Noqon Karo.

0
146

Jowhar(radioisnaay)Qaybaha ay kooxaha Yurub ee Champions League u soo baxay kaga soo muuqan doonaan isku aadka heerka groupyada Champions League ayaa haddaba cadaan sii noqonaysa iyada oo waxyaabo yar yar oo kaliyi ka hadhsan yihiin in la dhamaystiro.

Kooxda koobka Premier league ku guulaysatay ee Liverpool ayaa haddaba sii ogaatay inta ugu badan kooxaha ay isku arki karaan heerka groupyada Champions League waxayna Reds kala badbaadeen kooxo waa wayn laakiin wali waxaa jira kooxo sare oo ay Klopp isku arki karaan heerka groupyada Champions league.

Kooxaha Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain ayaa iskugu soo hadhay finalka Champions League laakiin haddaba waxay ku jiraan Pot 1 ee isku aadka xili ciyaareedka cusub waxayna isku qayb ka jiraan kooxda Liverpool si la mid ah Juventus, Real Madrid iyo midkii Europa league ku guulaysta Inter Milan iyo Sevilla.

Liverpool waxay isku aadka Champions League ku wajihi kartaa kooxo ay ka mid yihiin  Barcelona, Atletico Madrid, Borussia Dortmund, Shakhtar Donetsk iyo mid ka mid ah kooxaha  Sevilla, Benfica ama Ajax.

Kooxaha Manchester City, Manchester United iyo Chelsea ayaa isku aadka Champions League ee heerka groupyada ku aadi kara kooxaha Real Madrid, Bayern Munich, Juventus, PSG iyo midkii guulaysta Inter Milan iyo Sevilla.

Isku aadka heerka groupyada Champions League waxaa ka reeban in kooxo isku dal ahi isku aadi karaan, waxaana sidoo kale mamnuuc ah in kooxo hal Pot kuwada jiraa ay isku aadi karaan, waana sababta ay haddaba kooxuhu u sii ogaanayaan halka ay ku aadi karaan Champions league.

Isku aadka marka la samaynayo waxaa min hal koox laga soo qaadaa afarta dheri ee Pot 1,Pot2, Pot3 iyo Pot4, waxaana jira kooxo waa wayn oo ka buuxa Pot1 iyo Port 2 waana sababta ay kooxo waa wayni hal group ugu soo wada bixi karaan xili ciyaareedka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here