FINALKA Eurpa League, Conte Oo Koobkiisii Ugu Horreeyey U Qaadi Karaya Inter & Lopetegui Oo Mucjisada Sevilla Adeegsanaya

0
170

Inter Milan ayaa raadinaysa inay ku guuleysato koobkeedii ugu horreeyey ee Yurub ah markii ugu horreysay muddo toban sannadood ah, marka ay caawa finalka Europa League iskaga hor yimaaddaan kooxda reer Spain ee Sevilla oo tartankan iyo koobkiisaba saaxiib la ahayd muddooyinkii dambe.

Kooxda tababare Antonio Conte waxay semi-finalkii kusoo karbaashtay Shakhtar Donetski, halka Sevilla ay guul cajiib ahayd kasoo gaadhay Manchester United oo ay 2-1 kusoo dhaaftay semi-finalkii, sidaas ayaanay labadooduba ku yimaaddeen ciyaarta ugu dambaysa ee finalka.

Kooxda ugu guulaha badan taariikhda tartankan Europa League waa Sevilla oo kusoo guuleysatay shan jeer intii uu sitay labada magac ee UEFA Cup/European League, waxaana markii ugu dambaysay ee ay qaadday ahayd ahayd sannadkii 2016 oo usoo xidhay saddex sannadood oo xidhiidh ahaa oo ay qaadaysay koobka.

Manchester United ayaa kulankii Axaddii ay Sevilla iskaga hor yimaaddeen loo saadaalinayay inay guusha ka gaadhi doonto oo ay koobkana qaadi doonto, markaas oo rikoodhe uu hoggaanka ugu dhiibay Bruno Fernandes iyadoo ciyaartu sagaal daqiiqadood maraysa laakiin weeraryahankii hore ee Liverpool ee  Suso ayaa gool qurux badan oo barbarro ah ka dhaliyey ka hor intii aanu Luuk de Jong qaybtii dambe ka dhalinin goolka guusha u horseeday kooxda reer Spain.

Kooxda tababare Julen Lopetegui, waxay wareeggii siddeedda kusoo jiidhay Roma, Wolves oo ay wareeggii siddeedda kusoo garaacday iyo Manchester United oo ay waddadaas oo kale marisay semi-finalkii, waxaana guulaheedani ay niyad wanaagsan siinayaan ciyaartoyda iyo taageereyaasha oo rumaysan in naadiyada ay kasoo badiyeen ay qaarkood ka awood badnaayeen Inter Milan, isla markaana ay markii lixaad koobka ku guuleysan karayaan.

Arrinta xiisaha u yeelaysa kulankan ayaa ah inay tahay markii ugu horreysay ee ay labadoodu ku kulmaan ciyaar ka tirsan tartamada Yurub, laakiin Sevilla ayaa ah koox khibrad u leh sida loo garaaco kooxaha Talyaaniga ah, iyadoo bishii hore soo karbaashtay Roma, sidoo kalena laba jeer kasoo adkaatay Lazio marxaladdii 32ka ee xilli ciyaareedkii 2018-19 ee Euorpa League.

Sida Sevilla oo kale, Inter Milan waxay xili ciyaareedkan kusoo naalootay guulo ay ka gaadhaysay tartanka Europa League oo aan dhinaceeda dhulka la dhigayn, waxaanay soo guuleysatay dhamaan lixdii ciyaarood ee tartamada oo dhan, halka ay kaliya guul-darraysatay hal mar oo kaliya tan iyo bishii March, waxaanay ahayd ciyaar ay 2-1 ku garaacday Bologna July 5.

Conte waxa uu sannadkan sare usoo qaaday Inter Milan oo uu ka dhigay cudud la gorgortantay Juventus xili ciyaareedkii 2019-20 oo ay hal dhibic oo kaliya ka dambeeyeen Juventus oo markii sagaalaad horyaalka ku guuleysatay.

Inter Milan waxay ku biiri doontaa liiska kooxaha ugu guulaha badan tartankan haddii ay caawa ka qaaddo Sevilla waxaanay hore u haysteen saddex koob oo midkii ugu dambeeyey ay ku guuleysteen sannadkii 1998kii. Intii ka dambaysay waqtigaas, kaliya hal koob oo ahaa 2010 oo ay Champions League qaadeen ayay guul tartamada Yurub ah heleen.

Kooxdan lagu naanayso Nerazzurri waxay wareegyadii 16ka iyo siddeedda kusoo garaacday Getafe iyo Bayer Leverkusen, waxaanay ku xigsiiyeen Shakhtar oo ay semi-finalkii kasoo gaadheen guul weyn oo ay shan gool dhaliyeen.

Marka la eego min lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey, natiijooyinkii ay ka keeneen labadan kooxood, Sevilla waxay soo guuleysatay saddex ciyaarood oo kaliya, laba  barbarro ah iyo mid laga badiyey. Laakiin Inter Milan waxay soo guuleysatay shan ciyaarood iyo mid kaliya oo laga badiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here