Barcelona Oo Fasaxaysa Lionel Messi, BBC Sports Oo Xog Ay Heshay Ku Qalbi-Jabisay Jamaahiirta & Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Xaaladda Xiddigan

0
151

Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Barcelona, Josep Maria Bartomeu, waxa uu doonayaa in la tixgeliyo doonista Kabtanka kooxda, Lionel Messi oo shalay u caddeeyey tababaraha cusub ee Barca, Ronald Koeman inuu bannaanka kooxda uga dhow yahay gudaha kooxda, taas oo ka dhigan inay u badan tahay inuu iska tago.

Koeman ayaa kulan la yeeshay Lionel Messi maalin kaddib markii loo magacaabay shaqada, waxaanu saacado sugayay inta uu Messi kasoo noqonayo fasax uu ku maqnaa, waxaana isla markiiba ay kulan ku yeesheen guriga uu deggan yahay xiddiga reer Argentine.Warbaahinta Spain ayaa sheegtay in kulankan ay kasoo baxeen arrin aan farxad gelinin tababaraha cusub iyo maamulka kooxda intaba, waxaanu Messi ku adkaystay in qalbigiisu aanu joogin naadiga oo ay u badan tahay inuu baxo, laakiin ma siinin war cad oo ah inuu baxayo ama joogayo.

Bartomeu ayaa hore u sheegay in Messi aanu meelna u socon, waxaana laga soo xigtay isaga oo leh: “Waxaan arrinta Messi kala hadlay Ronald Koeman, waxaanu istaagay meel fog. Messi wuu sii joogi doonaa Barcelona.”

Laakiin sida BBC Sports ay sheegtay, Bartomeu waxa uu doonayaa in Lionel Messi aan la saarin cadaadis ah inuu sii joogo naadiga haddii uu doonayo in la fasaxo, waxaanu caddeeyey shaqsiyan in aanu hor istaagi doonin oo uu albaabka ka furi doono.

Inkasta oo BBC Sports aanay sheegin ilaha ay warkan ka heshay, haddana waxa uu warkani walaaca kusii kordhinayaa taageereyaasha kooxda oo aan xataa ka fikiri karin sida ay u ekaanayso kooxdu marka uu tago Lionel Messi.

Si kastaba, Barcelona oo hore u caydhisay Eric Abidal oo ahaa agaasimaha ciyaaraha iyo tababare Quique Setien waxa kale oo la filayaa in xagaagan ay ka baxaan raxan ciyaartooyo muddo dheer udub-dhexaad usoo ahaa balse hadda ay da’du ka daba timid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here