Shirikada Tiknolojiyada Mareykanka Ee Apple Oo Horumar Ganacsi Ka Sameysay Qaaradaha Dunida.

0
134

 Shirkadda tiknolojiyadda ee dalka Mareykanka, Apple ayaa noqotay shirkaddii ugu horeysay ee gudaha Mareykanka qiimaha ay ku fadhido ee suuqyada saamiyada uu gaaro laba tiriliyan oo doollar.

Guushan ayay Apple gaartay laba sano un kadib markii ay noqotay shirkaddii ugu horeysay ee qiimaheedu uu gaaro hal tiriliyan oo doollar sanadkii 2018-ka, waxaana hadda qiimaha saamiga shirkadda uu gaaray 467.77 doollar.

Shirkadda kale ee qiimaheedu uu gaaray laba tiriliyan ayaa ah shirkadda saliidda ee dalka Sacuudiga ee Aramco.

Haseyeeshee qiimaha shirkadda Aramco ayaa hoos ugu dhacay oo waxaa uu haatan marayaa 1.8 tiriliyan halka Apple na ay sare u kacday.

Dhammaadka bishii July, waxaa ay noqotay shirkadda ugu qiimaha wanaagsan caalamka.

Saamiga shirkaddan sameysay taleefoonada gacanta ee iPhone ayaa sare u kacay boqokiiba 50 inkastoo uu saameeyay xanuunka dunida ka dilaacay ee corona iyo cadaadis siyaasadeed oo ahaa in ay xirto bakhaarada ay ku leedahay dalka Shiinaha sababa la xiriira xiriirka kala dhaxeeya dowladda Shiinaha.

Walow horraantii sanadkan shirkado badan ay khasaareen, haddana Apple waxaa ay faaido wanaagasan ka sameyneysay alaabo ay sameysay oo ay kamid yihiin taleefoonada, kombyuutarada iyo qalabka kale ee tiknolojiyadda ee ay soo saarto.

Apple oo loo arko inay tahay shirkad guuleysatay ayaa xilligan waxaa sare u kacay dalabka adeegyada ay bixiso inkastoo wali dalka Mareykanka uu ku jiro soo kabasho dhaqaale.

Laga soo bilaabo bartamihii July, waxaa sare u kacay dakhliga soo galo shirkadda kadib markii ay dib usoo laabteen dalabka adeegyada ay bixiso.

Shirkadda kale ee laga leeyahay Mareykanka, Amazon ayaa noqotay tan labaad ee ugu qiimaha badan gudaha Mareykanka, waxaana qiimaheedu uu gaarayaa 1.7 tiriliyan oo doollar.

Paolo Pescatore oo ah khabiir wax ka qora arrimaha tiknolojiyadda ayaa sheegay in qiimaha saamiga ee Apple ay muddo gaaban ku gaartay meel aan la maleysan karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here