Neymar JR Oo Gabi Ahaanba Seegayo Final-ka Champions League Kaddib Sharciga Korona Ee Uu Jabiyay.

0
130

JOWHAR- ( Radio-Isnaay)- Kooxda Paris Saint-Germain ee ka socota dalka France ayaa dhawaan gaadhay Final-ka UEFA Champions League markeedii ugu horreysay abid kaddib guul 3-0 ah oo ay ka gaadheen RB Leipzig oo mucjiso ahayd xilli ciyaareedkan.

Paris Saint-Germain ayaa saddexda gool ka kala heshay Marquinhos, Angel Di Maria iyo Juan Bernat iyagoo Axada kulanka kama dambaysta ah ee tartanka la balansan Bayern Munich oo iyaduna xalay ka gudubtay Lyon.

Mid kamida dhacdooyinka kulankaas ayaa ahaa in garabka weerar ee Paris ee Neymar JR uu sameeyay garan kala bedelasho ciyaarta kaddib taas oo dhalin karaysay in laga ganaaxo Final-ka.

Neymar ayay kaamerooyinku qabteen isaga oo maaliyada ka bedelanaya daafaca Leipzig ee Marcel Halstenberg kaddib kulankii 3-0 ka kusoo dhammaaday, talaabadaas ayaa caksi ku ah sharciga xanuunka Korona.

Wararka ayaa sheegayay kaddib soo laabashadii UEFA Champions League in ciyaaryahanka midkale ka bedeshay garanka ciyaarta kaddib uu wajihi doono 12 maalmood oo karantiin ah.

Si kastaba, xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa xalay si rasmi ah u shaaciyay inaysan wax baadhitaan ah ku samayn doonin dhacdadaas taas oo ka dhigan in 28 sano jirka ugu qaalisan abid kubadda cagta caalamku uu diyaar u yahay Final-k Axada.

Neymar ayaa wakhtiyo badan oo adag soo qaatay tan iyo markii uu heshiiska 222 Milyan ee euro ah ugu wareegay dhinaca PSG sanadkii 2017 balse waxaan marnaba wax shakiyi ku jirin tayadiisa.

Ney ayaa hadda rajaynaya inuu door weyn ka qaato oo uu koobkii ugu horreeyay ee Champions League ah usoo gacan geliyo kooxdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here