Liverpool Oo Xaalad Jah Wareer Ah Kala Kulantay Go’aan Ka Soo Baxay Dawlada UK.

0
140

Jowhar(radio isnaay)Dawlada UK ayaa soo saartay go’aan dhirbaaxo wayn ku noqonaya kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool. Dawlada UK ayaa soo saartay go’aan dalka Austria loogu daray wadamada go’doonka laga galiyay in ay duulimaadyo u kala socon karaan waxaana Austria ku sugan Liverpool.

Liverpool ayaa laba kulan oo saaxiibtinimo ciyaari doonta ka hor inta ayna ka soo laaban Austria laakiin jadwalkii soo laabashada Liverpool ee UK waxaa dhibaato ku ah go’aanka ay dawlada Ingiriisku soo saartay.Go’aanka dawlada UK ayaa ah mid aad xaalada ugu adkayn kara Liverpool ka hor finalka Community Shield ee ay Arsenal la ciyaari doonaan iyo waliba diyaar garowga Reds ee kulanka Leeds United ee furitaanka Premier League.

Go’aanka ay dawlada UK dalka Austria ugu dartay liiska wadamada dadka ka yimaada go’doonka la galinayo ayaa la micno ah in Liverpool ay xaalad adag wajihi karto isla markaana ayna ku socon doonin jadwalkii ay dhigteen.

Liverpool waxaa lagu qasbayaa laba arimood midkood,arinta kowaad waa in ay kansalaan dhamaan kulamadii saaxiibtinimo ee ay shalay ku dhawaaqeen isla markaana ay UK dib ugu soo laabtaan inta ayna gaadhin 4:00 galabnimo ee caadada London si ayna go’doon u galin.

Arinta labaad waa in Liverpool ay raadiso xal kale oo ay tababarkeeda iyo kulamada saaxiibtinimo ku sii wadan karto balse ayna go’doon 14 maalmood ah u galin marka ay UK ku soo laabtaan taas oo hadda u muuqata mid ayna doorasho u haysan.

Kooxda Jurgen Klopp waxay sabtida August 22 waji doonaan kooxda Jarmalka ee VfB Stuttgart marka ay saacadu tahay 5:00 BST (7:00 fiidnimo ee saacada geeska Afrika). Waxa uu noqon doonaa kulankii labaad oo kaliya ee nooc kasta ah ee labada kooxood kadib kulankii saaxiibtinimo ee August 1980.

Kadib waxay Reds kulan saaxiibtinimo kaga hor iman doontaa kooxda horyaalka Austria ku soo guulaysatay ee Salzburg wuxuuna kulanku ka dhici doonaaa Red Bull Arena maalinta talaadada ee Agust 25 waxayna ciyaartu bilaami doontaa 3:00 BST(5:00 galabnimo ee saacada geeska afrika).

Laakiin kulamadan ayaa hadda qarka u saaran in gabi ahaanba la kansalo si ay Liverpool ugu hogaansanto go’aanka dawlada UK ee in dalka Austria lagu daray wadamada go’doonka dadka ka yimaada la galinayo.

Dariiqa kaliya ee Liverpool hadda u banaan ee ugu habooni waa in ay kansalaan kulamadii ay shalay shaaciyeen ee saaxiibtinimo isla markaana ay UK ku soo laabtaan ka hor 4:00 galabnimo ee maalinta sabtida si ay xaalad hubanti la’aan ah uga badbaadaan.

Diyaar garowgii xili ciyaareedka cusub ee Liverpool ayuu go’aanka dawlada UK dhibaato wayn ku noqonayaa waxaana maamulka Liverpool laga sugayaa nooca go’aanka ay qaadan doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here