Shan Arimood Oo Ay Man United u Baahan Tahay In Ay Samayso Si Ay Xili Ciyaareedka Cusub Koobab Ugu Guulaysan Karto.

0
127

Jowhar(radio isnaay)Kooxda Manchester United ayaa guul darro 2-1 ah kala kulantay kooxda reer Spain ee Sevilla kulanka kamid ahaa Afar dhamaadka tartanka Europa League, guul daradaasi waxay United ka dhigtay in Xilli Ciyaareedkii seddexaad oo xariir ah ay ku dhameystaan Iyagoo aan wax koob ah qaadin waana arin murugo weyn ku ah tageerayaasha kooxda.

Inkastoo guul daradaasi lagu ee deyn karay inay ku lug lahaayeen ciyaaryahanada kooxda Iyaga oo fursado badan ka qasaariyay kooxdooda hadana way awoodi kari waayeen in ay kooxdu u soo baxdo Final tartanka Europa League.

Inkastoo Ciyaaryahanada kooxda ay dadaaleen oo ay kooxdooda keenen kaal maha ugu dambeeya ee koobka Europe League, FA Cup iyo Carabao Cup, hadana Man United ayaa ku dhameysatay kalinta seddexaad horyaalka Premier League xilli Ciyaareedkii dhamaaday taas oo kooxda u suurta galin doonta in ay ka qeyb galaan Tartanka xiisaha badan ee Champions League.Kadib seddex xilli ciyaareed oo koob la,aan ah,

taageeyaasha kooxda United ayaa dareensan in kooxda u baahantahay is bedel dhab ah si Xilli Ciyaareedyada soo socda ay ugu guuleysato koobab waa hadii wax laga qabto meelaha ay dhibaatada ka heysato kooxdooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here