Mid ka Mid Ah Dhalinyarad Isticmaala Muqaadraadka Oo Ka Warbixiyay Dhibaatada Uu Kala Kulmay Isticmaalka Waxyaabaha Maanka Dooriyo

0
133

Maxmed Cali Maxamed  Waa Wiil Da,Yar Ah Waxa Uuna Ka Mid Ahaa  Dhalinyarda Isticmaala Muqaadaraadka Waxa Uuna Ka Sheekeeyay  Dhibaatada Uu la Kulmay Inta Uu Isticmaalaayay Qaadka Wuxuuna Sheegay In uu Bilaabay Asiga Oo Jiro 13 Sano Waxaana  ku Dhacday In Gurigiisa Uu Ilaabo sababo la xiriira marqaanka Kaasi Oo Halis Ku Noqotay Naftiisa  Sida Uu Sharaxaayo,

Sidoo Kale Waxa uu Tilmaamay In Lacag Gaareyso Sodon Kun Oo Dollor Ay Ka Gashay Inta Uu Isticmaalaayay Qaadka iyo Sigaarka Waxa uuna Xusay In uu Helay Nafis Inta uu Soomaaliya Ka Maqanyahay Qaadka,

Ugu Danbeyn Waxa uu Dhalinyarda Ugu Baaqay In Ay Ka Fogaadaan Barashada muqaadaraadka kaasi oo u sheegay in haddii Qofka uu Barto uusan Awood Ulaheeyn in uu Iska Dhaafo,

Si kastaba Ha Ahaatee Waxaa Soo Badanaayo Dhalinyarda Isticmaaleyso Waxyaabaha Maanka Dooriyo Waalow Culimada Soomaaliyeed Ay ku Baaqaaan in La Joojiyo Isticmaalka Muqadaraadka

Warbixintaan waxaa inoo soo jeedinaaya:-Cabdi Wali axmed Hilowle,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here