Madaxweynahii Wadanka Maali Ibraahim Abuubakar Oo Is Casilay Kadib markii ay Malitariga Wadankaasi Xabsi Galiyeen.

0
135

Khudbad uu telefishinka ka jeediyay ayuu , Mr Keïta waxaa uu sheegay in sidoo kale uu kala diray baarlamaanka dalkaasi.

“Waxaan doonayaa in uusan dhiig u daadin si aan awoodda u sii hayo,” ayuu intaa ku daray.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa saacado uun ka dib markii isaga iyo rai’sul wasaarihi dalkaasi Boubou Cissé la xiray islamarkana la geeyay saldhig militari oo ku yaalla caasimadda Bamako.

Tallaabadda militariga ayaa waxaa cambaareeyay dalalka gobolka iyo dowladda Fransiiska

Mr Keita ayaa ku guuleystay doorashadii Mali ka dhacday sanadkii 2018-kii, laakiin waxaa tan iyo markaas taagneyd caro ku saabsan musuqmaasuqa ka jira waddanka, maamul xumo dhinaca dhaqaalaha ah iyo xaaladda amni ee kasii dareysa.

Kooxo jihaad doon ah oo waddankaas ka dagaallama ayaa qeyb ka ah amni darrada.

Faransiiska, oo horay u gumeystay Mali, ayaa milatariga ugu baaqay inay gadoodka joojiyaan, xeryahoodana ku noqdaan

 Waxaa militariga talada la wareegay hogaaminayay Col Malick Diaw – oo ah ku xigeenka madaxa salhigga Kati – iyo abaanduule kale oo lagu magacaabo , Gen Sadio Camara, sida uu sheegay wariyaha BBC Abdoul Ba oo ku sugan magaaladda Bamako.

Markii ay saldhigaasi oo u jira 15 KM caasimadda Bamako ay la wareegeen ayaa waxay ka dib so galeen caasimadda dalkaasi oo dad ku faraxsan tallaabadooda ay soo dhaweeyeen.

Talaadadii Milatariga ayaa xabsiga u taxaabay madaxweyne Ibrahim Boubacar Keïta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here