Kulanka Lyon vs Bayern Munich – Finalka Champions League Oo Caawa La Xaqiijinayo.

0
138

JOWHAR-( Radio-Isnaay)- Bayern Munich iiyo Lyon oo caawa foodda  isku daraya garoonka Estadio Jose Alvalade, ayaa laga sugayaa in midkood uu finalka ugu tago PSG oo xalay RB Leipzig kusoo garaacday 3-0, iskaana xaadirisay finalka tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan.

Kooxda reer Germany ee Bayern Munich waxay wareeggii siddeedda kusoo xasuuqday Barcelona oo ay kusoo garaacday 8-2, laakiin Lyon ayaa iyaduba shaqo weyn soo qabatay waxaanay soo jiidhay Manchester City oo ay usoo dhiibtay 3-1.

Xataa ka hor intii aanay soo burburinin Barcelona, Bayern Munich waxay ka mid ahayd kooxaha sida weyn loogu saadaalinayo inay ku guuleysanayaan koobka Champions League ee xili ciyaareedkan, waxaanay saadaashu sii korodhay markii ay burburiyeen Barcelona.

Bayern oo tagta finalka isla markaana koobka ku guuleysata waxay noqon doontaa markii lixaad ee taariikhda ay koobka hanato, waxaana xili ciyaareedkan lagu daray buugga dhacdooyinka dunida kaddib siddeeddii gool ee ay hal ciyaar oo Champions League ah ka dhaliyeen.

Xili ciyaareedkan oo qaybtiisii hore ay ahaayeen kuwo dhibaataysa, waxa Bayern Munich ay waji kale yeelatay markii loo dhiibay xilkan tababare Hans-Dieter Flick, 19 kooxood oo isku dayay inay joojiyaan dhamaan kulamada tan iyo February 2019 ayaanay u suurtogelin, iyaga oo badiyey 24 ka mid ah 25kii kulan ee ugu dambeeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here