Wasaaradda Caafimaadka maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay Kiisaska Cudurka Corona virus ee degaanada maamulka Puntland maalmihii ugu dambeeyay.
Puntland waxa ay sheegtay in kiisaska Cudurka ay sare u kaceen maalmihii lasoo dhaafay, islamarkaana ay walaac ka muujiyaan kororka Cudurka ee degaanada maamulka Puntland.
Waxaa la baaray 16 iyo 17 bisha August 60 qof oo 7 qof oo ka mid ah laga helay xanuunka safmareenka ah ee Covid 19.
7 qof xanuunka laga helay ayaa da’doodu udhaxaysaa 27 sano jir ilaa 40 jir, 7 qof xanuunka laga helo ayaa Garowe jooga, hal qof ayaanaka soo baksooday.
Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay Puntland ee shaybaarku xaqiijiyey ayaa hada gaartay 400 qof waxaa udhintay 9 qof waxaa ka bogsaday 204 qof.