Nin Waardiiyo ahaa oo Noqday Dhaqtar Daweeya Bukaanada

0
207

Nin horay isbitaal waardiya ugu ahaa ayaa ku soo laabtay isbitaalki uu ka shaqeynayey, balse markan wuxuu ahaa arday dhakhtarnimo barta.

11 sana ka hor, Russell Ledet oo ay hadda da’diisu 34 jir tahay wuxuu waardiye ka ahaa isbitaalka guud ee Baton Rouge General Medical Center.

Hadda, ninki horay uga tirsanaa sirdoonka ciidamada badda ee waardiyaha soo noqday maanta wuxuu haystaa shahaadada PHD wuxuuna ka shaqeeyaa Jaamacadda Tulane ee ku taalla gobolka Louisiana uu Russel ka soo jeedo.

Sheekada guusha uu ninkan gaaray ku saabsan ayaa waxay noqotay hadal haynta ugu weyn kaddib marki sawirrada 15 arday oo madow ah oo dhakhtarnima barata uu isugu keenay madxafka weyn ee addoonsiga ee ku yaalla Louisiana.

Sawirqaadahana wuxuu ujeedkiisu ahaa shirkad uu ugu magac daray 15 White Coats oo uu dhaqaale ugu raadiyo ardayda dhakhtarnimada barata ee ka soo jeedda bulshooyinka laga tirada badan yahay. Waxayna 15-ka dhakhtar ee madowga ah sawirradooda oo la weyneeyey ay gaarsiiyeen dhammaan iskuulladda ku yaalla dalka Mareykanka si ay ugu dhiirrageliyaan dhakhaatiirka madowka ee jiilka soo socda.

Marka uu ku laabtay xaruunta caafimaadka ee Baton Rouge bishii July isaga oo ah arday dhigto dhakhtarnimo wuxuu la kulmay mas’uulkiisi hore oo uu Mr Ledet sheegay inuu caawiyey oo shaqada uu ka eryin xilligi uu waxbarashada iyo shaqada waardiyanimada isku waday, iyada oo shaqana ay u taallo.

Mr Ledet wuxuu sheegay waxbarshada kaddib inuu ku shaqeeyo dhakhtarka carruurta iyo kan maskaxda si uu ugu adeego bulshada saboolka ah ee aan heleyn fursad inay kula kulmaan dhakhaatiirta maskaxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here