Madaxweynaha Barcelona Oo Xaqiijiyay Tababaraha Cusub Ee Barcelona.

0
133

Madaxweynaha kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa xaqiijiyay in Ronaldo Koeman uu noqonayo tababaraha cusub ee kooxda Blaugrana isagoo bedelaya tababarihii la ceyriyay ee Quique Setien.

Shalay oo Isniin aheyd ayaa la ceyriyay tababaraha reer Spain ka dib markii ay Barcelona ceeb lama arkaan ah ku dhameysatay xilli ciyaareedka iyadoo ay guuldarro 8-2 ka soo gaartay Bayern Munich wareegii sideed dhamaadka Champions League.

Waxay Barcelona sidoo kale ku guuldareysatay inay difaacato koobka horyaalka La Liga oo ay qaaday Real Madrid halka sidoo kale ay ku fashilantay koobka Copa del Rey iyadoo xilli ciyaareedka ku dhameystay koob la’aan.

Macalinkii hore ee Everton iyo Southampton ayaa goor sii horeysay maanta ka degay Barcelona iyadoo kooxda reer Spain ay heshiis magdhow ah la gaartay xiriirka kubada cagta Holland madaama uu tababare u yahay xulka qaranka Holland.

Barcelona ayaa ogolaatay inay xiriirka kubada cagta Holland siiso shan milyan euro oo magdhow ah madaama ay la wareegeen tababarahoodii.

Madaxweynaha Barcelona ayaa goor dhaweyd shaaciyay in Ronaldo Koeman uu noqonayo tababaraha cusub ee Barcelona.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay mustaqbalka Lionel Messi kaasoo la isla dhexmarayo inuu ka tagayo kooxda isagoo yiri:

“Messi wuxuu doonayaa inuu waayihiisa ciyaareed ku dhameysto Barcelona. Si joogta ah ayaan u la hadlaa isaga iyo aabihiis. Wuxuu qeyb k yahay qorshaheena mustaqbalka. Koeman ayaa noqon doona tababaraha cusub, wuxuuna ii sheegay in Messi uu fure u yahay qorshaheena cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here