Man United Oo La Mariyay Dariiqii Kooxaha Waa Wayn Ee Yurub, Fashilkii Difaaca United Iyo Sevilla Oo Dagaal Ka Dhex Abuurtay Bruno Fernandes Iyo Victor Lindelof.

0
158

Kooxda boqorada Europa League ee Sevilla ayaa Manchester Uited ka soo cidhibtirtay tartanka kaliya ee uu Solskjaer doonayay in uu kooxdiisa xili ciyaareedkan ku hogaamiyo. Man United ayaa la kulantay ceeb difaacasho xumo taas oo Sevilla ka caawisay in ay soo laabasho samaysay.

Man United ayaa hogaanka ciyaarta hogaankeeda ku hor martay kadib markii uu Bruno Fernandes gool rekoodhe ah dhaliyay laakiin Sevilla ayaa keensatay laba gool oo ku yimid qaladaadka Harry Maguire iyo Victor Lindelof.

Kooxda Sevilla oo taariikh aan la rumaysan karin ku leh Europa League ayaa markale u muuqata koox aan laga laga dhaqaajin karin koobkan.

TAARIIKHDU WAY SOO NOQOTAA! Sanadkii 2018 kii waxay Sevilla awooday in ay Man United ka reebtay Europa League daqiiqadii 78 aad laakiin hadda waxay markale awooday in ay isla daqiiqadii 78 aad ay Sevilla awooday in ay United ka reebtay isla koobka Europa League.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 ay Sevilla koobka Europa League kaga cidhibtirtay Man United waxayna Red Devils raacday dariiqa kooxihii waa wayn ee Yurub ee bahdilaada kala kulmayay tartamada Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here