Dowladaha Imaaraatka Carabta iyo Iyo Israa’iil oo bilaabay Xiriir toos ah oo Dhinaca Telefoonada.

0
134

Israa’iil iyo isutagga Imaaraadka Carabta ayaa daahfuray xiriirka taleefannada tooska ah ee labada dal dhexmarayo kaddib marki ay toddobaadki hore ay gaareen heshiis ay dib ugu soo celinayaan xiriirkooda.

Wasiirrada arrimaha dibadda labada dal ayaa si toos ah taleefan marki ugu horreysay ugu wadahadlay “iyaga oo isdhaafsaday farriimo salaan ah oo taariikhda gashay”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saareen.

Mr Kushner wuxuu CBS u sheegay isaga iyo madaxweyne Trump iney ka shaqeynayeen heshiiska dhexmaray Israa’iil iyo Iisutagga Imaaraadka Carabta tani iyo marka uu madaxweyne Trump xilka madaxweynanimada Mareykanka uu qabtay.

Waxaana heshiiska nabadeed ee Israa’iil iyo Iisutagga Imaaraadka dhexmaray si rasmi ah loogu dhawaaqay Khamiisti aan ka soo gudubnay.

Wuxuuna Trump heshiiskani nabadeed uu ku tilmaamay inuu yahay midkii seddexaad ee Bariga dhexe ku dhexmaro Israa’iil iyo carabta, waddamada khaliijkana uu ka yahay kii ugu horreeyey.

Beesha caalamka ayaa si weyn u bogaadisay heshiiskaasi iyaga oo ku tilmaamay billow wanaagsan, halka ay Falastiin, Turkiga iyo Iiraan ay ku gacanseydheen.

Sida uu dhigayo heshiiska ay labada dal gaareen, Israa’iil ayaa waxay oggolaatay iney hakiso qorshaheedi muranka badan dhaliyey ee ahaa iney isku ballaadhiso daanta galbeed ee Falastiin.

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Gabi Ashkenazi oo taleefan kula hadlay dhiggiisa Imaaraadka Abdullah bin Zayed al-Nahyan wuxuu bartiisa Twitter-ka uu ku soo qoray labada dal iney ku heshiiyeen iney dib u furaan xiriika isgaarsiineed ee tooska ah iyada oo la sugayo iney heshiis dhammeystiran dhawaan gaaraan… iyada oo madaxda labada dal ay kulmayaan.

Wasiirka isgaarsiinta Israa’iil wuxuu sheegay shirkadda Imaaraadka ee bixisa adeegga taleefoonnada waxay xayiraadda ka qaadday furaha taleefoonnada dalka Israa’iil +972.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here