Daadadka ka dhashay Fatahadaha Wabiga Shabeelle ayaa xiray wadoyiinkii loo mari jiray Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolkani Shabellaha Dhexe waxaana yaraaday ganacsigii suuqyada Magaalada Jowhar iyadoo wali cabsi laga qabo in wabiga shabeelle uu mar kale fatahaad ka sameeyo Jowhar iyo Deeganada hoosyimada.
Maxamed Samow waxa uu ka mid yahay Ganacsatada ku dhaqan Magaalada Jowhar ee Casimadda Maamulka Hirshaballe. Waxa uu Radio isnaay kaga warbixiyay Inta ay Gaarsiisan tahay saameynta Fatahaada Wabiga Shabeelle uu ku yeeshay Ganacsigooda.
Warbixintaan Waxaa Inoo Soo Jeedineysa:- Xaliima Cali Ibraahim.