Maxaad kala socotaa Kulanka xiisaha Leh Ee Sevilla vs Manchester United – Solskjaer Oo Imtixaan Adag Maraya.

0
127

JOWHAR (Radio-Isnaay) Manchester United iyo Sevilla ayuu midkood caawa iska xaadirin doonaa ciyaarta ugu dambaysa ee finalka tartanka Europa League. Labada kooxood ayaa jilbaha isku dari doona magaalada Cologne ee waddanka Jarmalka iyagoo wareeggii siddeedda kasoo kala adkaaday FC Copenhagen iyo Wolverhampton Wanderers.

Sevilla oo sannadihii ugu dambeeyey ka mid ahayd kooxaha tartankan ku awoodda badan ee kusoo geuuleysanaysay, waxay u dagaallamaysaa in markii shanaad ay koobka ku guuleystaan. Unai Emery ayaa saddex koob oo Europa League oo xidhiidh ahaa u qaaday sannadihii 2014, 2015 iyo 2016, laakiin Los Palanganas ayaa sannadkii hore ay u ahayd mid uga duwan xili ciyaareedyadii hore oo ay wareeggii 16ka kaga hadhay, waxaana dhexda u gashay Slavia Prague oo si lama filaan ah u garaacday.

Julen Lopetegui oo ah tababaraha Sevilla, waxa uu niyad-jabkii uu kasoo qaaday Real Madrid oo muddo kooban lagaga caydhiyey uu iskaga maydhay bandhig wanaagsan oo uu Sevilla kula kowsaday, waxaana aan dhinacooda dhulka la dhigin 19kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee dhamaan tartamada, taas oo ah mid ay niyad wanaagsan ku helayaan, walaacna ku haysa Manchester United.

Kulankii wareegga siddeedda ee ay Wolves la ciyaareen, waxay soo bandhigeen ciyaar cajiib ah iyagoo rikoodhena ka badbaadiyey Raul Jimenez waxaana gool laga dhaliyey ay ugu beddeleen laba gool, iyadoo Lucas Ocampos uu daqiiqaddii 88aad goolka guushu ku raacday u dhaliyey.

Xili ciyaareedkan ayey Sevilla ka duwan tahay midkii hore, waxaanay xaqiijisteen booskooda Champions League ee xili ciyaareedka dambe iyagoo kaalinta afraad kaga dhamaystay horyaalka LaLiga, waxaana kaliya ka horreeyey Real Madrid, Barcelona iyo Atletico Madrid.

Dhinaca kale, Manchester United oo ka mid ah kooxaha hormoodka u ah qaaradda Yurub balse sannadihii ugu dambeeyey hoos u dhacday ayaa qaybtii dambe ee xili ciyaareedkii dhamaaday lasoo baxday qaab ciyaareed cajiib ah oo ay kusoo bandhigtay awood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here