Maqaayad ku taala Dalka Shiinaha Oo Bilowday in La Miisaamo Dadka Ka Cunteynaayo Ka Hor inta Aan Dalabka laga Qaadin.

0
152

Maqaayad ku taalla dalka Shiinaha ayaa ku dhaqaaqday tallaabbo aan maqaayadaha dalkaasi looga baran oo ah inuu qofka ismiisaamo kaddibna dalabkiisa uu ku saleysnaanayo hadba miisaankiisa inta uu noqdo.

Maqaayadda ay dadka cunta u doonto iney ismiisaamaan ku qasbeyso ayaa ku taalla bartamaha dalkaasi Shiinaha.

Wuxuuna qofka cuntada uu dalbanayo ay ku xirnaaneysaa hadba miisaankiisa inta uu noqdo, iyada oo dadka miisaankooda uu bato cunta yar oo keli ah laga iibinayo.

Maqaayadda ayaa tallabadaasi qaadday kaddib marki dalka Shiinaha laga billaabay olole heer qaran oo ka dhan ah buurnida oo lagu yareynaya tirada dadka buurbuuran oo dalkaasi ku sii badanaya.

Maqaayadda oo ku taalla magaalada Changsha ayaa toddobaadkan labada albaab ee maqaayadda laga soo galo ku dhajisay farriin ay dadka maqaayaddaasi ku xiran ku wargelineyso intaynan maqaayadda gelin iney ismiisaamaan.

Maqaayadda waxay sida oo kale hirgelisay nidaam ama App marka uu qofka natiijada miisaankiisa uu geliyo uu moobaaylka u soo saarayo cuntada uu cuni karo ee isaga ku habboon.

Kaddibna qofka miisaankiisa uu badan yahay cunto yar ayaa laga iibinayaa halka qofka miisaankiisu caadiga yahayna laga iibinayo cunta inta uu doono.

Tallaabbada ay maqaayaddaasi qaadday iyo ololaha barnaamijkaasi heer qaranba si weyn ayaa looga horyimid iyada oo baraha bulshada laga sameeyey Hashtag looga soo horjeedo oo lagu dalbanayo iney maqaayaddaasi ka noqoto tallabbada ay qaadday isla-markaana ay macamiisheeda raalli geliso.

Hashtag baraha bulshada ay dadka ka soo horjeedo qorshahaasi ku wadaageenna waxaa wadaagtay oo ka falcelisay dad ka badan 300 oo malyan oo qof.

Maqaayadda Changsha waxay sheegtay “iney aad uga xuntahay” ololaha qaran ee ‘saxanka maran’ ama dadka iney cuntada yareystaan sida ay u macneysay ama ay u hirgelisay.

“Ujeeddada aan barnaamijkaasi ka laheen waxay ahayd inaan dadka ku dhiirragelinno iney joojiyaan cunnada saa’idka ah maadaamaa ay caafimaadka u wanaagsaneen balse ay cuntada u qaataan si caafimaadkooda u wanaagsan. Mardambana macamiishayada ku qasbi meyno iney ismiisaamaan” ayey tiri maqaayadda oo farriin ay macaamiisheeda uga raalli gelineyso tallaabbada ay ku dhaqaadqday qaab online ah u soo dhigtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here