Kooxda LYON Oo Ceeb Iyo Guul-darro Iskugu Dartay Manchester City, Guardiola Oo La Mariyey Waddadii Kooxdiisii Hore Ee Barcelona.

0
150

JOWHAR ( Radio-Isnaay ) Kooxda kubadda cagta Lyon ayaa iska xaadirisay semi-finalka tartanka Champions League kaddib markii ay 3-1 ku garaacday kooxdii weynayd ee lacagta badan la geliyey ee Manchester City.

Fadeexadaha tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan ayaa halkooda kasii socda, waxaana Pep Guardiola laga daba geeyey naadigiisii hore ee Barcelona oo Jimcihii ceebtii ugu weynayd ee tartanka Champions League ay Bayern Munich u xambaarisay.

Lyon ayaa guul weyn oo 3-1 ah ka gaadhay Manchester City oo fursado badan oo caddaan ah iska khasaarisay, waxaana goolka koowaad u dhaliyey weeraryahanka reer Ivory Coast ee Maxwel Cornet oo labadii kulan ee sannadkii hore ay wada ciyaareenna saddex gool ka dhaliyey, waxaana qaybta hore ay ku dhamaatay 1-0.

Qaybtii labaad ayay Manchester City heshay gool uu u dhaliyey Kevin de Bruyne, laakiin waxa musiibo ku noqday Moussa Dembele oo beddel kusoo galay, isla markaana laba gool ka dhaliyey tobankii daqiiqadood ee ugu dambeeyey.

Ciyaartoyda Manchester City ayaa garoonka ka baxay iyagoo ooyaya, waxaana garoonka laga dhex kicin kari waayey Gabriel Jesus iyo Raheem Sterling.

Shaxdii labada kooxood

LYON (3-5-2): Anthony Lopes; Jason Denayer, Marcelo, Fernando Marcal; Leo Dubois, Maxence Caqueret, Bruno Guimares, Houssem Aouar, Maxwel Cornet; Memphis Depay, Karl Toko Ekambi.

Kaydka: Sinaly Diomande, Joachim Andersen, Rafael, Moussa Dembele, Bertrand Traore, Thiago Mendes, Jeff Reine-Adelaide, Jean Lucas, Kenny Tete, Ciprian Tatarusanu, Melvin Bard, Rayan Cherki.

MANCHESTER CITY (4-3-3): Ederson; Kyle Walker, Eric Garcia, Aymeric Laporte, Joao Cancelo; Fernandinho, Ilkay Gundogan, Rodri; Kevin De Bruyne, Gabriel Jesus, Raheem Sterling.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here