Arsenal Oo Ku Dhawaaqday Lambarka Maaliyada Uu Xidhan Doono Willian.

0
138

JOWHAR ( Radio – Isnaay ) Kooxda Arsenal ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday lambarka maaliyada uu xidhan doono saxeexeeda cusub ee Willian Borges oo qaab xor ah ugu soo wareegay kaddib markii uu dhacay heshiiskii uu ku joogay Chelsea oo uu toddoba sano kasoo tirsanaa.

Willian ayaa Chelsea u xidhan jiray No.10 kahor bixitaankiisa isagoo maaliyadaas ka dhaxlay saaxiibkiisii hore ee kooxda ee Eden Hazard oo Real Madrid ku biiray xagaagii 2019.

No.10-ka Arsenal ayaan ahayn mid banaan waxaana ku suntan kubad sameeyaha asal-Turkey-ga ah ee Mesut Ozil taas oo dhalisay in Willian ay Arsenal u gacan geliso lambarka kale ee No.12.

Maaliyada cusub ee lagu wareejiyay 32 sano jirka ree Brazil ayuu ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee xidhanayay ahaa Oliver Giroud waxaana uga horreeyay shaqsiyaad uu kamid yahay halyeey Theirry Henry.

Walow uu Theirry Henry ahaa mid maalmihiisii qurxoonaa ee Arsenal xidhanayay No.14 haddana No.12 ayaa ahaa midkii loo dhiibay sanadkii 2012 markaas oo uu xilligaas qaab amaah ah ugu soo wareegay.

Tababaraha Gunners ee Mikel Arteta ayaa kaddib saxeexa Willian sheegay inuu yahay ciyaaryahan iyaga kala duwanaansho u samayn kara oo ay daba joogeen bilooyinkii ugu dambeeyay”

“Waxaan aaminsanahay inuu yahay ciyaartoy dhab ahaan kala duwanaansho noo samayn kara anaga” ayuu yidhi Mikel Arteta.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here