RB Leipzig Waxay Jirtay 11 Sannadood Oo Kaliya, Waxay Garaacday Atletico & Tottenham, Waxaanay U Gudubtay Semi-finalka Champions League

0
175

JOWHAR ( Radio – Isnaay ) Kooxda kubadda cagta RB Leipzig ayaa taariikh layaab leh oo aan dunida lagu arag samaysay kaddib markii ay u gudubtay semi-finalka tartanka Champions League iyagoo wareeggii siddeedda kusii garaacay Atletico Madrid oo ay ka ciyaar wanaagsanaayeen.

Leipzig oo wareeggii 16ka tartanka Champions League guul-darro weyn usoo xambaarisay Tottenham oo celceliska labadii ciyaartood ay ugu soo dhiibtay 4-0, waxay dhigtay taariikh aanay cidina uga horreyn oo tartanka Champions League ah, iyadoo noqotay kooxdii ugu da’da yarayd ee semi-finalka tartankan gaadha tan, iyadoo soo qabatay rikoodhkii Dynamo Kiev ee 1999kii.

RB Lingering ayaa la dhisay sannadkii 2009, waxaanay jirtaa 11 sannadood oo kaliya, laakiin qaabka ay u ciyaartay ayaa ah sidii mid qaan-gaadh ah oo qarniyo soo jirtay, waxaanay dhulka lasoo dhaceen kooxo waaweyn oo in ka badan boqol sannadood dhisnaa, sida Atletico Madrid iyo Tottenham.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here