PSG Oo Si Mucjiso Ah Ugu Soo Baxday Semi-finalka Cup ka Champions League.

0
160

JOWHAR ( Radio – Isnaay ) Paris Saint-Germain ayaa si mucjiso ah ugu soo baxday semi-finalka Champions League ka dib markii ay labo gool oo degdeg dhaliyeen waqtigii dhimashada ciyaarta iyadoo 90ka daqiiqo lagu hogaaminayay 1-0, waxayna 2-1 ku dubteen kooxda yar ee Talyaaniga Atalanta oo wacdarro ka dhigyay Champions League xilli ciyaareedkan.

PSG ayaa 50 guuradadeedii ka soo wareegtay markii la aas-aasay ugu dabaaldegtay inay u soo baxday semi-finalka, iyadoo wareega 8da iyo wixii ka danbeeya ay UEFA sharci ka dhigtay in kaliya hal kulan la ciyaaro bedelkii labo lug la dheeli lahaa sababo la xiriira Fayras Korona oo xilli ciyaareedka hakad geliyay.

Atalanta ayaa gool ku hormartay bilowgii qeybta hore ee ciyaarta iyagoo soo bandhigay kubad weerar ah oo aad loo jecleystay.

Ka hor inta aysan goolka dhalinin Neymar ayaa kooxdiisa ka qasaariyay fursad gool banaan aheyd isagoo kubada banaanka marsiiyay.

Laakiin Atalanta ayaan durbadiiba daafac gelin iyagoo sii waday weerarkooda islamarkaana daafacyadooda ay dhaqso soo degayeen mar kasta oo ay PSG kubada hesho.

90ka daqiiqo ee ciyaarta waxay ku socotay inay Atalanta gaareyso guul taariikhi ah laakiin waqtii yaraa ee dheeriga aheyd ee ciyaarta lagu daray ayay wax walba isbedeleen.

Marquinhos ayaa u barbareeyay PSG ka hor inta uusan Choupo-Moting niyada ka dilin wiilasha yar ee Atalanta isagoo ilbiriqsigii ugu danbeeyay dhaliyay goolka guusha.

PSG ayaa iska xaadirisay semi-finalka Champions League iyagoo haatan sugaya kooxdii soo gudubta Atletico Madrid iyo RB Leipzig.

Kooxda Faransiiska ayaa ka mid ah kooxaha sannadkan loo saadaalinayo hanashada koobka laakiin waxay u baahan yihiin inay soo bandhigaan qaab ciyaareed ka fiican kii ay caawa kala hortageen Atalanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here