Kooxda Juventus Oo Raadinaysa Koox Iibsata Cristiano Ronaldo.

0
153

JOWHAR ( Radio – Isnaay ) Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa isbeddel sal iyo baar ah lagu samaynayaa, waxaana uu Andrea Pirlo doonayaa inuu meesha ka saaro xiddigaha waxqabadkoodu soo gaabanayo ee ay da’du xakamaysay, isla markaana ay ku adag tahay inuu si fiican u maamuli karo oo ay awaamiirtiisa u hoggaansamaan.

Pirlo waxa uu go’aamiyey in illaa toddoba ciyaartoy uu kooxda ka diro, midkii ugu horreeyeyna waxa uu ka ambobaxay Turin shalay, kaas oo ahaa laacibka khadka dhexe ee reer France ee Matuidi, waxaana la filayaa inuu ku xigi doono Aaron Ramsey oo markiiba uu Pirlo u caddeeyey in aanay waxba u oollin kooxda.

Laakiin layaabkii ugu weynaa ayey noqotay markii ay soo baxday in Juventus ay xataa doonayso in albaabka uu ka baxo Cristiano Ronaldo, ayna u bandhigtay kooxo dhawr ah inay iibsadaan.

Ronaldo oo ay da’diisu tahay 35 jir, waxa uu qayb weyn kasoo qaatay bandhiggii kooxdiisa iyo guushii horyaalka Serie A ee xilli ciyaareedkan, inkasta oo sagaalkii sannadood ee ugu dambeeyey ay hananayeen.

31ka gool ee horyaalka Serie A uu ka dhaliyey, waxa Juventus illowsiisay guul-darradii kasoo gaadhay tartanka Champions League oo Lyon ay ku garaacday wareeggii 16ka, isla markaana labadii sannadood ee CR7 uu joogay aanay xataa soo gaadhin meelihii ay hore u iman jireen.

Intii uu suuqa iibku furnaa, waxa soo baxday in Cristiano Ronaldo uu doonayay inuu xagaagan ka tago Juventus oo uu u wareego PSG, laakiin saamaynta uu dhaqaalaha dunida ku yeeshay Fayraska Korona isagana ka joojisay in kooxda reer France awoodi karto inay bixiso lacagaha waallida ah ee uu mushaharka u doonayo.

Andrea Pirlo waxa uu rumaysan yahay in Ronaldo uu soo dhamaystay waayihiisii kubadda cagta, taas darteedna ay dhibaato ku tahay lacagta waallida ah ee uu mushaharka u qaato oo ah 31 milyan oo Euro iyo in uu xoogaa uu madaxa taagayo oo uu si buuxda ugu hoggaansamayn awaamiirta, isaga oo is dareensiinaya in Pirlo uu yahay shaqsi ay shalay ciyaartoy wada ahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here