Wax Badan ka Ogow Hordhaca Kulanka PSG VS Atalant Kooxda Ugu Horeysa Ee Finalka Tagi Karta iyo Shaxaha Macquulka ah Ee Labada Kooxood.

0
195

JOWHAR ( Radio – Isnaay ) Paris Saint-Germain ayaa noqon karta kooxdii ugu horreysay ee xili ciyaareedkan iska xaadirisa Semi-finalka tartanka Champions League, marka ay Caawa foodda is geliyaan Atalanta oo ay isku beegmeen marxaladdan.

Kooxda Faransiiska ah oo saddex koob oo maxalli ah oo dalkeeda laga ciyaaro kusoo wada guuleysatay, waxay kaliya raadinaysaa in markii ugu horreysay ay suurtogashato koobka kaliya ee ka maqan ee aan taariikhdeeda ku xusnayn, kaas oo dhamaystiri karaya saddexlayda koobabka ee ay fasal ciyaareedkan haysato.

Kulanka caawa oo ah lug kaliya oo labada kooxood ay ku kala bixi doonaan, isla markaana caawaba la ogaanayo midkooda tegi doona semi-finalka ayaa PSG iyo Atalanta albaabada loogu xidhi doonaa garoonka Estadio da Luiz ee magaalada Lisbon oo aan loo ogolaan doonin inay wax taageereyaal ahi soo galaan.

Paris Saint-Germain ayaa xili ciyaareed cajiib ah soo qaadatay sannadkan, waxaanay horyaalka waddanka Faransiiska ee Ligue 1 ku hoggaaminaysay 12 dhibcood xilligii ciyaaraha la joojiyey oo ay 11 kulan ka hadhsanaayeen, taas oo ku riixday maamulka inay Koobka iska siiyaan.

Muddo shan bilood ah oo aanay ciyaarin kaddib ayay finalkii Coupe de France isku haleeleen Saint-Etienne markii ay taariikhdu ahayd July 24, waxaanay ku adkaadeen 1-0 oo ay koobka ugu guuleysteen.

Tiro kulamo ciyaaro saaxiibtinimo ah oo ayey kaddibna ciyaartay si ay iskugu diyaariyaan ciyaaraha Champions League, waxaana cajiib ah in goolal dhoolatus oo kale ah ay xiddigaha weerarku saxeexayeen, waxaanay shabaqa soo taabsiiyeen 17 gool iyagoo aan waxba laga dhalin.

Waxa kale oo ay kooxdani xaqiijisatay rikoodhkii gool-dhalinta tartanka Champions League ee ugu dheeraa iyagoo 32kii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaantood goolal soo dhalinayay, waana sababta caawa goolal kale looga filanayo PSG oo sidoo kale rajaynaysa inay helaan Kylian Mbappe oo tababarka kusoo laabtay kaddib dhaawac kuraanta ahaa oo kasoo gaadhay finalkii Coupe de France.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here