Ilhaan Cumar Oo Markale Ku Guuleysatay Kursiga Xisbigeeda Dimuquraadiga Dalka Mareykanka.

0
195

IlhanCumar, oo kasoo jeedda jaaliyadda Soomaalida ee dalka Mareykanka ayaa ku guuleysatay doorasho ay xibigeeda dhexdiisa ka gashay, taasoo loogu tartamayay matalaadda kursiga xildhibaannimada Aqalka Wakiillada ee degmo ka mid ah gobolka Minnesota.

Waxay loollan adag kula jirtay siyaasiga lagu magacaabo Antone Melton-Meaux iyo saddex musharrax oo kale, kuwaasoo dhammaantood u hanqal taagayay inay iyada meesha ka saaraan.

Dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay ayey Ilhaan la kulmeysay cadaadis xooggan iyo dhaleeceyn inteeda badan loogu jeedinayay baraha bulshada.

Laakiin taageerayaasha xisbiga ayaa mar kale Ilhaan u xushay inay sii difaacato kursigeeda degmada 5-aad ee Minnesota, marka la gaadho doorashada Mareykanka ka dhaceysa bisha November.

Ilhaan ayaa guusheeda kaddib waxa ay boggeeda Twitterka kusoo qortay:

“Gudaha Minnesota, mar kasta waxaan ognahay in dadka is abaabulay ay ka adkaanayaan lacagta la abaabulay.

Antone Melton-Meaux, oo ah ninka sida weyn ugu xusul duubayay inuu Ilhaan kursiga ka faromaroojisto, ayaa la sheegay inuu isticmaalayay lacago aad u badan.

Lacagta badan ee uu u aruursaday ol’olihiisa doorashada awgeed ayaa ninkan loogu saadaalinayay inuu ka guuleysan doono Ilhaan.

Wuxuu iibsaday inta badan xayeysiimaha warbaahinta gobolka Minnesota, taasoo cabsi galisay taageerayaasha Ilhaan Cumar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here