Kooxaha Inter Milan iyo Manchester United oo U gudbay Wareega afar dhammaadka Europa League.

0
198

JOWHAR- ( Radio-Isnaay) Kooxaha Inter Milan iyo Manchester United ayaa iska xaadiriyey afar dhammaadka Europa League, kaddib guul muhiim u ahaa oo ay ka gaareen Bayer Leverkusen iyo Koebenhavn.

Inter Milan ayaa guul weyn oo 2-1 ka gaartay Leverkusen oo ay isku qabteen siddeed dhammaadka Europa League, waxaana ay gaareeen afar dhammaadka tartankan.

Kooxda reer Talyaani ayaa goolka la horreysay waxaana u dhaliyey 15’daqiiqo Nicolo Barella, Inter ayaana 1-0 ku hoggaamisay ciyaarta.

Wax yar kaddib Inter Milan ayaa hoggaanka ciyaarta dheereysatay waxaana shabaqa soo taabtay 21’daqiiqo ciyaaryahankii hore ee Kooxda Man United, Romelu Lukaku, kulanka ayuuna ka dhigay 2-0 oo ay ku gacan sarreysay kooxdiisa.

Yeelkeede, kooxda Bayer Leverkusen ayaa hal gool iska soo gudday waxaana u soo celiyey ciyaaryahanka diiradda u saaran Chelsea ee Kai Havertz, kaasoo la filayo inuu kulankiisii ugu dambeeyey u ciyaaray kooxda reer Jarmal, isagoo kulanka ka dhigay 2-1 weli looga gacan sarreeyey Leverkusen.

Goolkaas uu dhaliyey Kai Havertz guuldarro kama badbaadin kooxdiisa Leverkusen, waxaana looga adkaaday 2-1.

Dhinaca kale Kooxda Manchester United ayaa guul ka soo gaartay naadiga Koebenhavn oo ay kula soo ciyaartay dalka Jarmalka, inkastoo waqti dheeri ah la isla aaday.

Man United iyo Koebenhavn kulanka u dhexeeya ayaa la isku mari waayey 90’daqiiqo goolal la’aan 0-0, inkastoo uu shabaqa soo taabtay Greenwood haddana goolkaas waxaa lagu sheegay garab dhaaf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here